Boorama-(Lug)-Magaalada Saylac wararka ka imanaya waxa ay sheegayaan in baddu ay ku soo caariday gudaha magaalda isla markaana ay kala xidhmeen isku socodkii gudaha magaalada Saylac, arintan ayaa waxa walaac badan ka muujinaya dadka degaankaas waxana ay xuseen in arintan aanay ahayn mid sahlan oo ay badu kala xidhay isku socodkii gudaha Saylac, kala gudubkii adeegyada caadimaadka iyo waxbarashada iwo waliba socodkii ganacsiga ee gudaha magaalada.
Gudoomiye ku xigeenka Deg. Saylac Mud. Cismaan Muumin Caare oo ay shabakada wararka ee Lughayanews kula xidhiidhay khadka taleefanka ayaa u xaqiijiyay in xaalka Saylac ilaa xalay uu yahay mid ay badu ku soo caariday isla markaana ay saamayn xoogan ku yeelatay noloshii .
Mud. Cismaan isaga oo halalka siiwata ayaa waxa uu yidhi “ Waxa sababa waa isbedelka cililada eek ala wareega laba xili ee Xagaaga iyo Jiilaalka, arintu sanadkan waxa sii murjiyay biyaha soo caaryay sanandkan kuwaas oo magaalada siwayn ugu soo fatahay.
Gudoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in Maayarkii Magaalada Saylac uu ku maqan yahay sidii uu u soo heli lahaa cagaf gurmad ah isla markaana ay biyaha uga xidhi lahaayeen magaalada.
Iyada oo ay saasi tahay waxa ay dadka degaankaasi eeda dib ugu riixayaan xukuumada degaanka degamada Saylac oo ay xuseen inay ka gaabisay sidii arintan soo noqnoqonaysa ay wax muuqda uga qaban lahayd.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Saylac: Badda Oo Si Ba’an Ugu SOo Caariday Isla Markaana Kala Xidhay Iskusocodkii Gudaha Magaalda "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback