xaramka-madiina.jpgMadiina Munawara-(Lug)-Shirwayne lagaga hadlayay horumarka gobollada Awdal, Salel iyo Gebilay ayaa shalay ka dhacay magaalada Madiina Munawara ee dalka Sucuudiga, waxana ka soo qayb gelay shirkaasi aqoonyahanno, odayaal, iyo qaar ka mid ah ardayda jaamacadaha dalka Sucuudiga.

xaramka-madiina.jpg
Shirkaasi waxaa lagaga hadlay qodobbo ay ka midyihiin midaynta beelaha reer Awdal, Salel iyo Gebilay iyo in kor loo qaado isku-xidhnaantooda, in la qabanqaabiyo shirwayne ay ku tashanayaan beelaha Samaroon meel kasta oo ay joogaanba kana arrinsadaan dulahaanba dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, waxbarashada iyo gabi ahaanba wax kasta oo horumar ah.

Sidoo kale shirku waxa uu ugu baaqay beelaha Samaroon in la xakameeyo saxaafadda internetka ee lagaleeyahay gobollada Awdal,Salel iyo Gabiley, laguna baraarujiyo inay faafiyaan wixii ay ummadda dani ugu jirto kana fogaadaan isku dirka iyo wax kasta oo ka hor imanaya midnimada beelaha Samaroon.

Waxa kale oo la isla gartay aadna loogu celceliyey in ay beelaha Samaroon ka faa`ideystaan furashada xisbiyada Somali Land, kuna midoobaan xisbi kaliya, una qori tuurtaan madaxnimadiisa saddexda haamood ee beelaha Samaroon , si isdaba joog ah.

Shirku waxa kale oo uu ku dhawaaqay inaan loo baahnayn ka sheekaynta taariikhaha madaw ee kala dilaya ummadda reer Somali Land, waxana uu tusaale u soo qaatay xuska jabahaddii SNM oo ahayd wax aanay reer Somali Land wada lahayn sida shirka laga caddeeyay.

Waxa kale oo ay mudanayaasha isku yimid  ardayda reer Awdal ugu baaqeen ka faa`idaysiga jaamacadaha magaalada Madiina ee dalka Sucuudiga iyo dulahaanba waxbarashada dalkan.

Waa markii ugu horraysay ee shir danaha beelaha Samaroon ku saabsan lagu qabto magaalada barakaysan ee Madiina.

 

wariye:- Xaamud Cali Cilmi
Madiina Munawara - K.S.A