ugaadh.jpg

Boorama-(Lug0-Isuduwaha wasaarada degaanka iyo hormarinta reer miyiga Mud. Saleebaan Xasan Xadi ayaa maanta ka warbixiyay hawlgal ay wasaaradu ka samaysay degaanka Libaaxlay ee Deg. Boon halkaas oo ay ku soo xidhxidheen 6 qof oo si sharcidaro ah uga ganacsanayay ugaadaa.

 

Isuduwuhu waxa uu u mahadnaqay saraakiisha booliska ee degmada Boorama oo uu sheegay inay gacan ka siiyeen hawlgalkaasi, waxana uu sheegay in 6daas qof ay xidhan yihiin isla markaana sharciga la horkeeni doono.

 

Isuguwuhu waxa kale oo uu ka waramay hawlaha wasaaradiisu qabato waxana uu yidhi “ Waxa aan ka hawlgalnay ilaalinta degaanka iyo waliba sidii aan u soo celin lahayn seerayaashii la daaqi jiray oo maanta noqday qaar galay gacanta dadwaynaha, waxa noo suuro gashay inaan ilaa hada soo celino 3 seere oo degaanka Boon Dila iyo Boorama ah, waxa si balaadhan noo caawiyay dadka degaanka oo gacan ka gaystay inay ogolaadaan soo celinta dhulkaasi isla markaana u soo jeeda inay ilaaliyaan.

 

dadka-degaanka.jpg

 

Isuduwuhu waxa kale oo uu qoray inay jiraan caqabado ku xeeran wali kuwaas oo sababay in aanay hawlaha wasaaradau wali gaadhin degaano badan oo ay maalinwalba ka soo ifbaxaan cabashooyin u baahan wax ka qabasho waxana uu yidhi “ Caqabada ugu wayni waxa ay tahay in ay jirto gaadiid la’aan na haysata taasi oo suuro galin wayday in aan gaadhno meelo badan oo hawlo muhiim ahi ka socdaan, waxa kale oo iyaduna jirta xadidnaan dhinaca miisaaniyada iyo kharashka ah, waxa dhacda in marka hal hawlgal la samaynayo waxwalba oo kharash ah waxa uu saran yahay masuulka hawshaas samaynaya, ilaa hadana wax misaaniyada ah oo na soo gaadhay ma jirto.

 

isuduwe-saleebaan.jpg

 

Isuduwuhu waxa kale oo uu ka waramay dhibaatooyinka ugu daran ee hada degaanka jiraa waxa ay yihiin waxana uu yidhi “ Waxa noogu daran laba dhibaato oo ah in dadkii cidwalba ay dhulkii Bootada loogu talo galay ee ahaa danta guud uu yidhi aniga ayay beertaydii ku baxday oo uu qaatay isla markaana uu diiday inuu soo celiyo isaga oo dhuxulaysi ba’an ka wada, waxa arintan sii murjinaya fulin la’aanta dhinaca sharciga ah oo aan jirin, waxa kale oo iyaduna ay tahay dhibaatada labaad ee jirtaa dhinaca ka ganacacsiga ugaadha oo sii kordhaya, ma laha wasaaradu awood badan oo ay wax kaga qabato, waxa aad arkaysaa in ka ganacsigaasi ugaadhu uu yahay dambi qorshaysan waxana ay dambiilayaashu isticmaalayaan qalab casri ah sida moobilka torayada oo ay kuwada xidhiidhayaan waana arin jirta oo runtii aanan waxbadan laga qaban Karin ilaa la iskaashado.

 

shabeel.jpg

 

Si kastaba ha ahaatee Wasaaradu waxa ay qaaday wadatashiyo ay la yeelanayso dadka degaanka iyada oo markaasi ku talo galaysa in dadku ay iyagu difaacaan degaanka isla markaana ay ka hortagaan ugaadha sida sharcidarada looga ganacsanayo waxana ay kulamadan oo muhiim ahaa wali yihiin kuwo aanan si balaahan u shaqaynin sababtuna ay tahay in loo baahan yahay faragalin xukuumadeed oo aad u balaadhan.

 

 

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama