Boorama-(Lug)-Masuuliyiinta hayada ASARDA ayaa maanta soo booqday halka ay marayso hawsha jidka isku xidhiya Gorayacawl iyo Boorama wajigiisii labaad oo gabogabo ah, maanta hawsha ugu badan waxa ay ka socsotay biriish laga dhisayo meel jilicsan kaasi oo ah mid aad u muhiim ah.
Eng. Cabdilaahi Cabdisalaan Sh. Cali Jawhar oo hawsha gacanta ku haya ayaa ka warbixiyay hawluhu halka ay marayaan waxana uu sheegay in wadadani ay tahay mid tayo badan oo uu dadaal badani ku baxay isla markaana uu jajigan labaad ee soo gabagaboobayaa uu ka kooban yahay 4km oo dhamaystirmi doona dhawaan, waxana uu u mahadnaqay masmasuuliyiinta Asarda sida ay hawsha uga soo baxeen.
Gudoomiye ku xigeenka Hayada ASARDA Xaaji Cabdiqaadir Aadan Nuur oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka mahadnaqay hawlaha jidka cidwalba oo ka qayb qaadatay waxana uu xusay in iskaashiga iyo waxwada qabsigu ay yihiin kuwa hormarka lagu gaadho.
Xaaji Muumin Jaamac Samaale oo halkaasi ka hadlay ayaa isaguna xusay in hawshu ay meel fiican marayo isla markaana ay waxwalaba oo qabsoomay eebe uga mahadnaqayaan isaga oo xusay in dadka gudaha iyo kuwa dibada ku nool iskaashiga laga helay ay waxwalba suuto galiyeen.
Khasnajiga ASARDA Xaaji Ismaaciil Riiraash ayaa isaguna u cadeeyay dhamaan dadka ka qaybqaatay qaadhaanka wadadaasi in shilinwalba oo ay soo diraan ay gasho meeshii loogu talo galay isla markaan walaalaha qaadhaanka bixinayaa ay kalsooni ka qabaan hawsha socota iyo sida ay ugu hagarbaxayaan walaalaha hayada ASARDA.
Xaaji Abiibakar Xuseen Miicaad oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu sheegay in hayada ASARDA ay dhamaystirayso dhawaan qaybteedii isla markaana ay u qorshaysantahay in ay 10km ee hadhay shan qaataan si ay u dhisaan 5ta soo hadhayna ay xukuumada ka sugayaan inay wax ka qabtaan isaga oo u mahadnaqayn dhamaan dadkii qaadhaanka ka gaystay wadadaai.
Sikastaba ha ahaatee hayada Asarda masuuliyiinteedu waxa ay maanta muujiyeen in hawsha jidku ay tahay mid aan wali dhamaan isla markaana looga baahan yahay dhamaan dadka wax bixiya ee qurbaha ee reer Somaliland inay ka qayb qaataan iyaga oo dadka dalka gudihiisana ugu baaqay inay $1 ugu soo diraan ZAAD oo ah No 4 Account: 400059
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama



Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Wajigii 2aad Ee Jidka Gorayacawl Ilaa Boorama Oo La Soo Gabagabeeyay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback