Boorama-(Lug)-Xulka gobolka Awdal ayaa maanta ka soo ambabaxay Magaalada Boorama isaga oo ku sii jeeda magaalda Burco ee Gob. Togdheer oo uu ka qabsoomi doono tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland ee 5aad.
Kahor intii aanay ka amba bixin magaalda Boorama ayaa tababaraha xulka gobolka Awdal Mud. Cabdiqaadir Aadan Nuur oo saxaafada la hadlay uu ka waramay rajada xulkiisa iyo waliba tayada xulka waxana uu yidhi “Runtii waa group aan la dhayalsan Karin waxa uu leeyahay saamayntiisa waxa anaga nagu waajib ah inaan muujino ciraar wanaag isla markaana isku diyaarino sidii aan guul uga soo hoyn lahayn una hiigsan lahany guusha ugu dambaysa. Isga oo sii wata hadlakiisa yaa waxa uu tababare
Cabdiqaadir yidhi “ Waxa caado u ahayd gobolka in ay ciyaar wanaag muujiyaan waxana na hortaala inaan halkii hore ka sii amba qaado waxana aan soo xulanay ciyaaryahano karti leh.
Qaar ka mid ah dadka reer Boorama oo iyaguna sii odorosay rajada xulka Awdal ayaa waxa ay yidhaaheen “ Xulku wuu nasiib badan yahay waxa uu ku soo hagaagay group aan culays lahayn waxa aan rajaynaynaa inay uga gudbaan ciyaarha dambe ilaa Final, waxa aan ku kalsoonahay ciyaaryahanada la soo xulay.
Sidoo kale waxa ay reer Boorama aad u hambalyeeyeen dadka reer burcaad oo ay xuseen in ay qabteen talaabo kudayasho mudan iyaga oo sheegay in cidwalba oo garoomada dhisata isla markaana la timaado dadaalka Burco oo kale ay u qalanto inay ciyaarha marti galiso waxana ay xuseen in Boorama looga baahan yahay inay u diyaargaroobaan martigalinta ciyaaraha soo socda.
Maayarka Boorama Mud. Cabdiraxamaan Shide Bile ayaa isaguna si balaadhan u amba bixiyay xulka waxana uu u rajeeyay guul balaadhan.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama



Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xulka G/Awdal Oo Maanta U Ambabaxay Magaalada Burco "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback