Asalamu Calaykum Waraxma tulaahi wabarakaatu, waxaan kaga hadlayaa maqaalkani waxii aan ka ogaa aasaaskii waxa loogu yeedhay Awdal state iyo Marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay.

Sanadku markuu ahaa 1992, ee ay dhacday dowladii midnimo qaran Somalia, wadankana ay ka socdeen dagaaladii Sokeeye ayaa waxa fikrad keenay aqoonyahano ku sugan dalka Canada gaar ahaan magaalada Ottawa, fikirkaasi oo ahaa sidii gobolka Awdal ugu samayn lahayn maamul u gaar maadaama wadankii dowladii dhexe burburtay, dagaalo sokeeyana wadankii ay ka socdaan waxaana lagu dhawaaqay waagaasi Awdal Republic.

1993 ayaa waxa ka dhacay magaalada Boorama Shirkii Beelaha Somaliland ee lagu dhisay Dowladda Somaliland, ka dib dadkii reer Awdal waxa ay ku biireen Somaliland, waxa ay dadkii aqoonyahanii ee ku howlanaa dhisida maamul u gaar ah Awdal ay faraha ka qaadeen fikirkaasi maadaama ay maamul samaysteen dadkii gobolka Awdal iyo goboladii jaarka ahaayeen (Somaliland).

Ka dib waxa dhacday baryo dhawayd markii uu xukunka ka degay Madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin asal ahaana ka soo jeeda G/Awdal muddo 8 sanadood ahna soo hayay xukunka Somaliland lagu dhawaaqo wax loogu yeedhay Awdalstate iyadoo oo aan muddadaasi uu xilka hayay aan la hadal hayn jirin wax la yidhaahdo maamul goboleed loo samaynayo Awdal.

Dabayaaqadii Sanadkii 2010 ayaa waxa lagu qabtay Xafladdo kala duduwan dalka dibadiisa, oo lagaga hadlayay wax la yidhaahdo Awdal State, waxaan waraystay oo aan telephone u diray ninka hada loo doortay madaxwaynaha waxa loogu yeedhay Awdal state, waxaan waydiiyay war Awdalstate maxay tahay, Yaase wada? Waxuu iigu jawaabay waa tii barigii ay wadeen Aqoonyahanadu ee republic Awdal, waxaan isku dayay inaan ogaado dadka wada, waxa ii cadaatay inay yihiin shaqsiyaad dano gaar ah wata isna qarinaya.

Waxa iigu xigay waxa yimiday dalka Canada September 2011 ninka u qaabilsan qaramada Midoobey Arrimaha Somalia Mahinga, waxa la kulmay ninka Rashiid Aw Nuur oo idhi waxaan ahay Afahayeenka Awdal State, waxaanuu u sheegay Awdal state iyo Waxa ay yihiin, waxana uu ugu jawaabay Mahinga in “State waxa la yidhaahdo ay constitution-ka UN –ta u yaala ay tahay uu ahaado 3 gobol iyo wax ka badan sidaasi daraadeen ayna buuxin Karin shuruudihii looga baahnaa State“.

Maalintaasi maalintii ku xigtay waxa yimiday Magaalada Toronto raysalwasaaraha Somaliya C/wali Maxamed Gaas waxa madashii shirka ka dhax hadlay Rashiid Aw Nuur oo sheegtay Afhayeenka Awdal state, waxuu waydiiyay labo arrimood,

Midi waxay ahayd Scholarship uu bixiyay dowladda Turkigu oo uu siiyay dowladda Somalia oo uu Rashiid u doodayay inuu gobolka Awdal ka helin saamigiisii scholarship-kaasi, Arrinta labaadina waxa uu ka hadlay waxa uu ugu yeedhay Awdal state, intaasi ka dib Jawaabtii uu bixiyay Raysalwasaaraha Somalia Md.C/wali, waxa uu ku jawaabay “Wakhti ku filan oo aan gobolada ugu wada yeedhno dowladda Turkigu nama siin”, mar uu ka jawaabay arragtida waxa loogu yeedhay Awdal state iyo waxa ay ka qabaan waxa uu yidhi “Saddex Gobol iyo waxii ka badan ayaa noogu jira constitution-ka cusub inaan u aqoonsano state, waliba waxa uu raaciyay inaanay hal beel ahi iyo labo toona aanay noqon Karin State”.

Ka bacdi Aniga oo ah Hamud Ali Elmi waxa aan ku kulanay isla magaalada Toronto saacado dabadeed wakhtigaasi Rashiid Aw Nuur, aniga oo ka cadhaysan wakhtigaasi su’aalihii uu waydiiyay iyo sida loogu jawaabay, waxa aan waydiiyay yaa ku soo diray, waxuu iigu jawaabay Guddiga fulinta, ka dib waxa aan ku nidhi maadaama aduunyadii iyo Somalidii aad lahayd waan ka mid noqonayaaba waxaasi aad kala kulanteed, dadkeeniina ay ka mid yihiin Somaliland, sideed wax u wadaan, aniga oo u sheegay inaan u socdo dalkii, waxaanan u sheegay in aan soo ogaanayo dadkii reer Awdal/Salal  Waxa ay rabaan, waxaanuu iigu jawaabay xor ayaa tahay waxa aad kala kulanto dadkiina waad noo soo gudbin doontaa?

Waxa aan hada ku suganay Magaalada Boorama, waxa aan waraystay Culimaa’udiinka, Cuqaasha iyo aqoonyahanada dhalinyarada wax baratay ee jaamacada ka baxday iyo kuwa dhigtaba, waxaana wax ka waydiiyay arragtidooda ku aadan waxa loogu yeedhay Awdal state, dhamaantoodba waxay iigu jawaabay inay tahay wax fidno ah,  oo dadka reer Awdal yihiin dad nabadgalyo iyo maamul haysta ayna u baahan yihiin in lagaga hadlo kaliya horumarka gobolka, gobolkana ay ka socdaan mashaariicyo badan oo horumarineed sida Dhismaha Jidka Dilla –Boorama, sida hindisaha Dhismaha dekada Lughaya iyo maalgashiga gobolka.

Markaa waxaan ku soo gabagabaynayaa in dadka faro ku tiriska ah ee ku hamiyaya waxa loogu yeedhay Awdalstate, maadaama waxa ay wadaan uu yahay waxa aan cadayn, dadkuna ay u arkaan wax iska riyo ah sida uu yidhaahdo psychology-gu “ Illusion oo ah “Seen something is not real”. sidaasi darteed waxaan u soo jeedinayaa inay faraha kala baxaan waxaan ay wadaan oo inay danahooga qabsadaan ay uga khayr badan tahay, ayna ka qayb qaataan mashaariicda horumarka ah ee ka socda G/Awdal iyo Salal, oo ayna wakhtiga iskaga lumin wax aan faa’iido u keenayn aakhiradooda iyo adduunkoodaba.

Wariye:-
Hamud Ali Elmi
North America- ku Sugan Boorama
Hamud13@hotmail.com