Oslo (Lug)- Warar aan wali si rasmi ah u soo bixin ayaa sheegaya in jidka Dila iyo Borama ee imika shaqadiisu socoto loogu magac dari doono Muuse Rabbiile Good oo ahaa ninkii ansixiyay gobolnimada gobolka Awdal
una magac bixiyay gobolkaasi.
tallabadaasina waxa ay qayb ka noqonaysaa dedaallada lagu xusayo haldoorkii taariikhda galay ee gobollada Awdal, Salal iyo Gabiley.
Ilo ku dhawdhaw hay`adda jidadka Awdal iyo Salal (ASARDA) ayaa laga soo xiganayaa inay xubno hay`adda ka mid ahi si aan rasmi ahayn uga wada hadleen in jidku marka uu dhamaado loogu wanqalo magacii alle ha u naxariistee sarreeye gaas Muuse Rabiile Good, Haseyeeshee waxa lagu soo warramayaa in guddoomiyaha ASARDA Eng. Xasan Cali Cisman uu wali ka gaabsanayo magac u bixinta jidkaasi.

Si kastaba ha ahaatee General Muuse Rabbiile Good waa shakhsiyad taariikhi ah oo aad looga tixgeliyo guud ahaan deegaannada Somaalida, iyo gobollada Awdal, Salal iyo Gabilay.
Sida laga warqabo General Muuse Rabbiile Good waxa uu ku dhashay magaalada Borama sannadkii 1938,Waxuuna wax ku soo bartay dalka Sudan oo uu shahaadada heer jaamacadeed ka qaatay, kadibna waxa uu macallin ka noqday dugsigii sare ee Camuud ee magaaalada Borama.
General Muuse Rabbiile Good waxa uu ahaa ninkii ugu horreeyay Somaali ahaan ee lagu dhawaaqay inuu ku guulaystay doorashadii golihii barlamanka ummadda Soomaaliyeed sannadkii 1960 kii.
Xildhibaan Muuse Rabbiile sannadkii 1961 kii waxa uu u baxay socdaal aqoon korodhsi ah, waxanu arday ka noqday kulliyadda ciidanka ee Sanhurts ee ku taalla magaalada London ee dalka Britain. Sannadkii 1969 kiina waxa uu ka mid ahaa jannanadii ugu waawaynaa ee hirgeliyay tawraddii Soomaaliyeed, iyada oo uu habeenkii afgenbiga 20 kii October General Muuse gacantiisa ku dejiyay qorshihii ammaan ee magaalada Muqdisho lagula wareegay, islamarkaana uu hoggaaminayay ciidamadii taangiyada ee habka nabdoon ku qabsaday Xamar.
General Muuse Rabbiile Good, laga bilaabo dhalashadii tawradii Somaliya illaa burburkii maamulkii dhexe waxa uu soo qabtay wasaarado ay ka midyihiin, wasaaradda Caafimaadka, beeraha iyo xannaanada xoolaha, gaadiidka cirka iyo dhulka , waxayna reer Awdal si gaar ah ugu xasuustaan inuu isagu hirgeliayay gobolnimada Awdal iyo degmooyinka gobolkaasiba.
Sannadkii 2001,ayuu General Muuse Rabbiile Good ku geeriyooday dalka Maraykanka.
Lughaya news


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Jidka Borama-Dila oo loogu magac-darayo Muuse Rabbiile Good "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback