Ururadda is diiwaan geliyay waxa ka mid ah Wadani, Dalsan, Ummadda, Gurmad, Jamhuuriga, NDP, Nasiye, Badbaado, Horyaal, udhis, Rays iyo SSC. Afhayeenka Gudidda diiwaan gelinta ururadda

Hargeysa-(Lug)-Gudidda diiwaan gelinta ururada siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka, ayaa shaaca ka qaaday tirada ururada illaa imika is diiwaan geliyay iyo xiliga la soo gabo-gabaynayo diiwaan gelinta ururada siyaasadda.

Afhayeenka Gudidan oo ka hadlay arrintan wuxuu yidhi “Hawshii diiwaan gelinta ururadda siyaasaddu waa iska gabo-gabo, ururo badani way is diiwaan geliyeen, kuwo badana waa lagu dhawaaqay. Waxaan filayaa in ururadda lagu dhawaaqay ay yihiin illaa 21 urur. Inta is diiwaan gelisay ee foomamkii diiwaan gelinta qaatay ee soo celiyay waa 12 urur. Hawshuna illaa imika si wanaagsan ayay u socotaa.”

Afhayeenka Gudidda diiwaan gelinta ururadda siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka oo la weydiiyay magacyada ururadda is diiwaan geliyay, waxaanu yidhi “Ururadda is diiwaan geliyay waxa ka mid ah Wadani, Dalsan, Ummadda, Gurmad, Jamhuuriga, NDP, Nasiye, Badbaado, Horyaal, udhis, Rays iyo SSC.”

Xasan Macalin wuxuu sheegay inay diiwaan gelintu ay soo xidhmi doonto 28-ka bishan.
“Waxaanu u sheegaynaa dadka daneynaya inay ka qeyb qaataan siyaasadda inay isku diiwaan geliyaan mudadan kooban ee hadhay iyadoo sida xeerarku ay dhigayaan ay toban sano ka dib dib loo furi doono ururadda siyaasadda,”ayuu yidhi Afhayeenka Gudidda diiwaan gelinta ururadda siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka oo maanta u waramayay Horn Cable TV.

 


Weriye:-
Cumar Maxamed Faarax
cumarmfaarax@hotmail.com