Boorama-(Lug)-Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Arimaha Gudaha ayaa waxa uu socday mudo 2 maalmood ah waxana ka qayb qaadanayay odayaasha dhaqanka, maamulka gobolka kan dagmada iyo saraakiil ka socotay Wasaarada Arimaha Gudaha, waxana lagu gorfaynayay arimaha nabadgalyada iyo hormarinta degmada.
Kulankan oo intii uu socday lagu gorfeeyay sida ay odayaashu ugu qayb qaada lahaayeen hormarinta nabadgalyada iyo hormarka guud ahaanba ayaa waxa lagu wadaagay waayo arignimooyinka ay wadaarada arimaha Gudahu ka soo ururisay dalka oo dhan.
Waxa kulankaasi gabagabadiisii ay odayaashu ku dheeraadeen ahmiyada nabada iyo sida ay hormarka uga qayb qaadato waxana ay xuseen inay diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan waxwalba oo hormarka iyo ilaalinta nabadgalyada ah.
Maayarka Boorama iyo Badhasaab ku xigeenka gobolka Awdal oo iyaguna ka hadlay kulankaasi ayaa waxa ay xuseen in ay diyaar u yihiin inay garab siiyaan odayaasha isla markaana ay ka qayb qaataan waxwalba oo lagu adkaynayo nabadgalyada iyo horumarinta,
Agaasimaha Waaxda Nabadgalyada ee Wasaarada Arimaha Gudaha mud. Maxamed Cali oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay inay odayaashu laf dhabar u yihiin hormarka isla markaana loo baahan yahay in waxyaabaha ka soo baxay kulankan laga dhigo kuwo dhaxal gal ah.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Kulan Dhinaca Nabadgalyada Iyo Horumarka Ah Oo Lagu Soo Gaba Gabeeyay Xarunta Gob. Awdal "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback