picture1-002.jpgXafiiska  Sama-falka Madaxtooyada JSL , waxa uu maanta soo saaray Magacaabida  Masuuliyiin u Metelidoona Gobolada dalka oo wakiil uga noqda hawlaha Sama-falka ee xafiisku u qaabilsan yahay qaranka.

Maareeyaha Sama-falka Madaxtooyadu:

Markay  Aragtay:  Baahiyaha lagama maarmaanka ah ee loo    qabo  in la helo qof uga wakiil noqda    Xafiiska Sama-falka Gobolada Dalka.

Markay Aragtay:  Baahida ka jirta dhanka xidhiidhka Dadka Tabaalaysan ee Xafiisku wakiilka ka yahay

Markay aragtay:  In ay lagama maarmaan tahay in la helo Qof metela xafiiska oo joogto ku noqda Gobolkasta si dadku u helaan cid ay u soo Gudbiyaan Kolba halka xaalkoodu maraayo.

Waxay Go’aansatay:-

1.    In Magool Saalax Xaaji Xasan  laga Bilaabo taariikhda 25/12/2011 maanta ay ahaato isu-duwaha Gobolka Sanaag
2.    In Ayaan Cali Cumar  laga Bilaabo taariikhda 25/12/2011 maanta ay  ahaato isu-duwaha Gobolka Awdal
3.    In Mustafe Maxamuud Xaaji Cabsiiye  laga Bilaabo taariikhda 25/12/2011 maanta uu  ahaato isu-duwaha Gobolka Gabiley
4.    In Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye laga Bilaabo taariikhda 25/12/2011 maanta uu ahaato isu-duwaha Gobolka Togdheer.
5.    In Xamdi Axmed Saalax  laga Bilaabo taariikhda 25/12/2011  maanta ay ahaato isu-duwaha Gobolka Sool
6.    In Caasha Xuseen Faarax  laga Bilaabo taariikhda 25/12/2011  maanta ay ahaato isu-duwaha Gobolka Saaxil.

ALLAA MAHAD LEH



Maareeyaha Sama-falka Madaxtooyada
Marwo. Aamina Maxamuud Diiriye


1.jpg
2.jpg