Maayarka Deg. Lughaya Mud. Saleebaan Cabdilaahi Koodaar ayaa saxaafada siiyay waraysi dhinacyo badan taabanaya, waxana uu waraysigaasi kaga waramay arimaha nabadgalyada,
waxqabadka, cashuuraha iyo arimo kale oo badan.
Ugu horayntii maayarku waxa uu daadufeeyay in degmada laga soo dejiyo hub sharci dara ah ama laga dhoofiyo ugaadh sharci daro ah waxana uu yidhi “ Maya maya ma jiraan waxyaabahaasi ma jiro hub laga soo dajiyo xeebahayaga, ma jiraan ugaadh sharcidaro looga dhoofiyo xeebaha waxa ku sugan ciidan waxana sugan nabadgalyadooda, waxa jiray dhawaan dad ajinabi ah oo dalxiiseyaal ah oo ugaadhsi faraha la galay dadkaasi waxa qaldanayd sharciga la soo siiyay waana la saxay imika.
Maayarku mar uu ka waramayay arimaha ahuuraha ayaa waxa uu yidhi “ Cashuur ururintu way yartahay waxana ugu wacan iyada oo ay abaaro jiraan, waxa aan ku rajowaynahay in arimahaasi dib loo soo nooleeyo marka ay xaalada abaaruhu soo raayaan.
Maayarku mar uu ka waramayay nabadgalyada ayaa waxa uu yidhi “ Nabadgalyadu way wanaagsan tahay 100% waxa aan qabanay arimo badan oo ay ka mid yihiin dhismayaal sid MCH-ka iyo waliba arimo kale oo dhinaca biyaha ah, mar uu ka waramayay dhinaca biyaha ayaa waxa uu sheegay Maayarku in ay iska kaashanayaan hayada UNICEF isla markaana ay dhawaan biyo galin ka samaynayaan degaankaasi.
Maayar Saleebaan Koodaar waxa uu xusay in xadka degmadu uu sugan yahay isla markaana ay dadka degaankaasi yihiin kuwo walaalo ah oo u soo jeeda ka qayb qaadashada hormarka.
Maayarku waxa kale oo uu xusay in xidhiidhka ka dhexeeya maamulkiisa, kan xukuumada gobolka iyo ka xukuumada dhexe uu yahay mid wanaagsan waxana uu ugu baaqay xukuumada iyo dadka qurbojooga ah inay gargaar abaareed la soo gaadhaan, waxana uu ugu baaqay bulshada reer Somaliland in ay degmada iyod adka kale ee ay abaaruhu waxyeeleeyeen duco roob doon ah u soo akhriyaaan.
Ugu dambayntii maayar Saleebaan Koodaar oo ah maayarkii ugu horeeyay ee ay xukuumada Lughaya u soo magacawday degaankaasi ayaa waxa uu yahay mid lagu xanto in waayo aragnimadiisa dhinaca maamulka ah ay aad u yartahay isla markaana uu wax ku maamulo waayo aragnimo kale oo ah mida uu dhinaca degaanka u leeyahay waxana isaga oo arimahaasi dhinac saga riixya uu yidhi “ Waa waxiska caadi ah in marka qof meel loo magacabo ay eeduhu soo doontaan, waxa an leeyahay anigu wax walba waa la arki doonaa qofwalbana waa nasiibkii waxa uu maamulka ku soo kordhinayo.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama



Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Maayarka Degmada Lughaya Oo Bixiyay Waraysi Dhinacyo Badan Taabanaya "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback