cimg0169.JPGHargeysa-(Lug)- Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayay oo socdaal ku jooga dalka Shiinaha, ayaa sheegay inay kulamo kala duwan la yeesheen masuuliyiin ka tirsan xisbiga tallada haya ee dalkaasi iyo xukuumadda shiinahaba.

cimg0169.JPG

Sidaasi waxa lagu sheegay inay war saxaafadeed ka soo baxay xisbiga KULMIYE oo u dhignaa sidan:-

 cimg0207.JPG

“26-Dec-2011- Wefti ka socda Xisbiga tallada Somaliland haya ee KULMIYE oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi oo labadii toddobaad ee ugu dambeeyey Safar ku joogay waddanka Shiinaha, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalo-madaxda Gobolka Hubei ee Wuhan oo ku taala badhtamaha dalka China, kana mid ah magaallooyinka ugu faca iyo taariikhda weyn dalkaas.

 dscf8526.JPG

Wuhan waa magaalo caan ku ah Ganacsiga, Wershadaha iyo Sayniska, halkaas oo ay degan yihiin Shirkado caalamiya oo shisheeye, waxaana ku yaal Jaamacado caan ah oo ay ka mid yihiin Laser City iyo The Wuhan University, waxaana ku nool dadyow jinsiyado kala duwan ka soo jeeda oo tiro badan.

 dscf8529.JPG

Waxaa magaalada Wuhan habeen-hore gaadhay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo Wefti uu hoggaaminayo oo dhawaanahanba socdaal ku joogay dalka Shiinaha, kuwaasoo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magalada Wuhan, halkaas oo ay kaga hortageen, isla markaana si diirran ugu soo dhaweeyeen Ardayda iyo Jaaliyadda reer Somaliland ee magaaladaa ku dhaqan oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Jaaliyadda reer Somaliland ee deggan magaaladaas Mr. Ciise.

 dscf8585.JPG

Shalay waxay Jaaliyadda iyo Ardayda reer Somaliland Weftiga KULMIYE Xaflad soo dhawayn ah ugu sameeyeen magaaladaas, halka Xalayna Casho-sharaf loogu sameeyey isla magaaladaas, taasoo ahayd mid Guddoomiyaha KULMIYE iyo Weftigiisa lagu sagootiyey.

dscf8601.JPG

Weftiga KULMIYE ee uu hoggaaminayo Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, muddada ay ku sugnaayeen waddanka Shiinaha waxay la kulmen soo dhawayn kala duwan iyo qaabbilaado heerkoodu sarreeyo ee ay ka heleen Jaaliyadda iyo Ardayda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalooyin kala duwan oo Shiinaha ah, Masuuliyiin ka tirsan dawladda Shiinaha iyo Xisbiga talada dalka Shiinaha haya, halka ay kulammo kala duwan la yeesheen Saraakiil kala duwan oo ka tirsan dawladda Shiinaha iyo Masuuliyiinta Xisbil-xaakimka dalka Shiinaha.”

dscf8625.JPG
dscf8650.JPG

 

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Email,kulmiyeparty1@gmail.com