Boorama-(Lug)-Agaasimaha Guud ee Wasaarada Macdanta iyo Biyaha ayaa maanta xadhiga ka jaray ceelkii 13aad ee loogu talo galay inuu wax ka taro baahida biyaha ee Boorama, waxna munaasibadaasi maanta goobjoog ka ahaa Masuuliyiinta shirkada SHABA hayadaha Unicef iyo Bisha Cas, maamulka gobolka iyo culimaaudiin kale.

Ceelkan oo ku yaala degaanka loo yaqaan Old Camuud oo magaalda Boorama u jirta 8km ayaa waxa ku baxday lacag dhan 190 kun oo doolar waxana uu ka waramay Gudoomiyaha Shirkada SHABA Mud. Maxamed Nuur Faahiye sida ay ku timid waxana uu yidhi
“ Ceelkan waxa dhulka bixiyay dadka degaanka, waxa sahanka  isla lahayd unicef, waxa qoday hayada Bisha Cas, waxa ku soo xidhiidhisay systemka biyaha ee dhamuug hayada SHABA oo bixisay 70% halka ay unicef ka bixisay 24%.

Waxa isagauna halkaasi ka hadlay Madaxa Xafiiska Bisha Cas ee Gobolka Awdal Mud. Maxamed X. Nuur waxana uu sheegay in ujeedada ay ceelkan u qodeen aanay ka madhnayn indadka degaanku ka faaiidaystaan.

Sheekhul Baladka Boorama Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar oo isagunahalkaasi ka duceeyay ayaa xusay in biyuhu ay lafdhabarta aadamaha noloshiisa yihiin waxana uu ku duceeyay in ceelkani uu barakoobo.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Mud. Siciid Axmed Jibriil oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa u mahadnaqay dhamaan inta suurto galisay celitaanka ceelkan, waxana uu xusay in wasaaradu ay taageeri doontoSHABA iyo cidwalba oo biyaha hormar la ogol.

Duhurnimadii maanta ayay hayada SHABA qado sharaf u samaysay masuuliyiinta ka soo qayb gashay furitaanka ceelkan, waxana halkaasi ka hadlay Badhaaabka gobolka Awdal Axmed Xadi Sidci waxana uu aad u amaanay hayada SHABA oo dadaal dheer u gashay helitaanka ceelkan hab hufana u maamusha biyaha Boorama, waxa kale oo uu u mahadnaqay maalgaliyayaasha ceelkan isaga oo xusay in loo baahan yahay in la daryeelo ceelkan.

 

 

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama