Boorama-(Lug)-Waxa soo foodsaaraya degaanka Holholka cabsi biyo La’aaneed oo aad u baahsan oo ay sababtay kadib markii ay gudheen isla markaana aasmeen balayadii degaankaas ugu waawaynaa, cabdidana ayaa waxa qaba dadka degaanka oo balayadaas si balaadhan uga faaiidaysan jiray.
Qaar ka mid ah odayaasha degaanka oo ka waramaya Balaygii ugu waynaa degaansaas oo aasmay biyihiisiina ay gudheen cabdisada ay ka qabaan ayaa waxa ay yidhaahdeen “ Balaygan waxa qoday dawladii Milatariga sanadkii 1976 ayaa la bilaabay 1977 waa uu dhamaaday, waxa uu cabirkiisu dhamaa 60m oo isku wareeg ah waxana ka cabi jiray dadka degaanka ee 50km ooisku wareeg ah ku nool iyo dhawr kun oo xoolo ah.
Iyaga oo tilmaamaya maanta sida uu xaalku yahay ayaa waxa ay yidhaaheen “ Waxa aad arkaysaan waa balaygii maanta waxa aasay Buurta SAW bacaadka ka soo hoobanaya, biyihiina way gudheen, waxana banaanka jooga dad iyo duunyaba cidii ku tiirsanayd balaygan, waxa noogu dhaw degaanka gudaha Ethiopia inaan u aroorno ama ceelasha Dhamuugeed oo Magaalada Boorama na kala xidhay.
Qaar ka mid ah ururada dhalinyarada ee Degaanka ayaa waxa ay ugu baaqeen dhamaan daneeyayaasha iyo dadka maalgaliya mashaariicda dadwaynaha inay balaygan u soo jeestaan oo ay wax ka qabtaan qodida balaygan aadka loogu baahn yahay.
Si kastaba ha ahaato xaaladuye waxa arinta sii murjinaysa iyada oo ay dadka xukuumada gobolka iyo degmada Boorama hogaanka u hayaa inay ka gaabinayaan hormarinta mashaariicda dadwaynaha ee dagaankaas gaar ahaan qodida balaygaasi aadka u balaadhan.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama



Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Balayodii Degaanka Holholka Oo Aasmay Iyo Cabsi Biyo La’aan Oo Degaankaas Ku Soo Fool Leh "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback