Diirada-(Lug)-Tan iyo intii ay Diirada Lughayanews daabacday qaybtii ugu horaysay ee maqaalo qoto dheer oo taxano noqon doona oo cinwaankoodu ahaa Yaa Sirta Siilaanyo Iyo Saylici Suuqa Keena? ayaa waxa shabakada Lughayanews iyo boga Facebook ee shabakada soo gaadhaya dhambaalo kala duduwan oo aad u tio badan kuwaas oo isugu jira timnaan, hambalyo iyo waliba aragtiyo kale oo ay dadwaynaha shabakada ku xidhan ee daafaha dunida kala jooga ka bixiyeen qaybta koowaad ee qormadaasi.
Dareenka kala duwan ee dadwaynahaasi waxa uu ahaa mid ay Diirada Lughayanews ugu hambaynayaan sida ay u dahfurtay goldaloolooyinka ay xukuumadu leedahay ee la halmaala mawduuca iyo waliba sida ay Diirada Lughayanews shiishka u saartay meelo tiro badan oo la saadaalin karo inay arintan ka masuul yihiin.
Akhristayaashu waxa ay qodob qodob dareen fog uga bixiyeen qodobada ay Diiradu odorostay waxana ka mid ahaa dareenkooda inay isku raacsanaayeen kala duwanaashaha dhaqanka Bariga iyo Galbeedka dalka inay suurto gal tahay arin fashiln karta sirta xukuumada iyada oo aan ugu talo gal u yeelay waxa ay samaynayaan saaxiibada reer Bariga ah ee ka ag dhow kursiga madaxtooyada.
Waxa kale oo ay akhristayaashu odoroseen shaqsiyaad iyo siyaasiyiin kale oo ay ku sunteen inay noqon karaan masuuliyiinta qorbojooga ah, kuwa dhalinyarda ah iyo kuwo kale ee saxaafada ka soo shaqeeyay ee ay diiradu xustay inay yihiin kuwa iyagu sirta xukuumada suuqa keena iyaga oo ka eegaya meelo kala duduwan.
Q. 2aad:
Markale waxa la odorosi karaa in xukuumada laf ahaanteedu ay tahay mida suuqyada ku soo tuuraysa qorshayaasheeda aanay wali qalinka ku duugun madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenku iyada oo markaasi ka damacsan inay umada ku mashquuliso isla markaana kaga jeediso arimi badan oo muhiim iyo xasaasi ah oo dadku ay xukuumada kula xisaabtami lahaayeen sida ay u maaraynayso. Tusaale ahaan hadal hayntii ugu dambaysay ee ahayd in Madaxtooyadu ay damacsan tahay in ay isku shaandhayn samayso bisha January waxa la odhan karaa waxa ay ahayd arin ay xukuumadu ugu talo gashay inay dad badan ku mashquuliso iyada oo ay taagan yihiin mawduucyo badan oo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin, Diiwaangalinta Ururada Siyaasada, Arimaha Nabgalyada ee sida dilkii foosha xumaa ee Saameel, iyo shirwaynha indhaha lagu hayo ee Khaatumo ee ka furmi doona degaanka Taleex.
Markale waxa la odorosi karaa in Madxwayne Siilaanyo oo la ogsoonyahay in ay xukuumadiisa ku xayndaaban yihiin gudiyo aad u tiro badan oo talo bixin iyo arimo kale loo xilsaaray inay qabtaan ay yihiin kuwa sirta suuqa keena iyada oo dulucdu tahay “Idaa Kathara Dabaakhu Fasadal Maraq”. Gudiyadan oo tiro batay isla markaana aan is ogayn ayaa arimaha ay maqlaan ee sirta Madaxtooyada ah suuqa keenaya iyaga oo uga faa’iidaysanaya danahooga gaar ah ee waliba shaqsi sida la odoosi karo.
Waxa kale oo jirta in maadaama ay dad badan oo dhinacyo kala duduwan kala soo galay ololahii ay xukuumadu ku dhalatay ay jiraan isla markaana ay qaar tiro badan oo dadkaas ka mid ahi ku hungoobeen inay mansabyodii ay filayeen ka helaan xukuumada ay u cuntami laadahay inay dib u galaan halkan kale oo mucaaridad ah isla markaana marka ay subaxwalba suuqyada soo galaan ay saaxiibadooda kale ee suuqa isugu muujiyaan inay xukuumadani tahay tii ay curiyeeen daliilna doodooda uga dhigta inay sidii Caalimul Qaybka sii sheegaan waxa ay ka ogyihiin sirta Madaxooyada oo ay ka maqleen saaxiibo hore oo ay lahaayeen oo ah kuwo ka ag dhow xukuumada, arintaasi la micnaha ah anaa kaa ogg xukuumaduna ay noqoto mida dibada keenta dhimbiilaha ugu horeeya ee sii huriya odoroska sirta xukuumada.
Waxa kale oo iyaduna jirta lana ogsoon yahay in Xisbigii Kulmiye ee xukuumiga ahaa ay arintiisu tahay Runa Maaha Beena Maaha, oo la micno ah, Kulmiye waa xukuumada xukuumadana waxba kuma laha, arintan ka dhigtay xisbiga Kulmiye mid aan Mucaaridna ahayn Muxaafidna ahayn ayaa waxa ay sababtaa in ay masuuliyiinta xisbiga ku hadhay ay wali ku dhaganaadaan qaybtii mucaaridada isla markaana ay wax badan oo ay ka ogyihiin xukuumada ay katirsan yihiin ka maqan yiin odorosaan isla markaana dhinaca dhaliisha u badiyaan hadalhayntooda arimtaasina ay noqoto mida suuqa keenta sirta xukuumada Madaxwayne Siilaanyo iyo Madaxwayne Ku Xigeen Saylici.
Lasoco Qaybaha Kale……
Diiradda Lughayanews
lughayaweb@gmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Diirada Lughayanews: Qaybta 2aad, Yaa Sirta Siilaanyo Iyo Saylici Suuqa Keena? "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback