xog-xamari.jpgBoorama-(Lug)-Waxa maanta xilkii fulineed ee Xoghayaha  Dawlada hoose ee Boorama ka wareegay Mud. Maxamed Cabdi Xaashi Xamari, xoghayahan cusub oo noqonaya kii Sedexaad ee xilka jagadan qabta inta ay jirto xukuumada Kulmiye ayaa waxa la iswaydiinayaa shaqsiyadiisu cida ay tahay, waayahiisa siyaasadeed  iyo waayo aragnimadiisa shaqo waxa ay ku salaysan tahay. Shabakada wararka ee Lughayanews ayaa u kuur gashay bal in ay isku soo ururiso macluumaadka laga ogg yahay masuulkan cusub isla markaana bulshada u iftiimiso shaqsiyada Mud. Maxamed Cabdi Xaashi Xamari.

Maxamed Cabdi Xaashi  Xamari ayaa ku dhashay Boorama sanadkii 1969kii, waxana uu ka mid ahaa dhalintii la kowsatay curashadii Kacaankii Milatariga isla markaaana waayahooda waxbarasho ku soo dhamaysay hanaankii dawladii Somaliya.

Mud. Xamari ayaa waxa uu kaalin muhiim ah ka soo qaatay dhismahii iyo hanaqaadkii dugsiga dhagoolayaasha ee Annallina Toneli iyo cisbitaalka TB-da ee Boorama halkaas oo uu ka soo qabtay xilal kala duwan oo hanaanka maamulka la xidhiidha. Isla maay kaana ka bartay afka suul dhabaalaha ee dhagoolayaashu ku hadlaan.

Mud. Xamari ayaa waxa uu saaxada siyaasada soo koray bilawga markii ay dalka ka furmeen hanaanka axsaabta badan isaga oo ka mid ahaa xubnihii urur siyaasadeedkii guuldaraysatay ee la oran jiray ASAD.

Wixii ka dmbeeyay guuldaradaasi la kowsatay urursiyaasadeedkiisii ASAD ayaa waxa uu ka mid noqday mudanayaashii kaalinta wayn ka qaatay xisbigii mucaaridka ahaa ee Kulmiye waqtigii doorashooyinkii ugu horeeyay ee Madaxwayne nimo ee dalka ka dhacay, waqtigaas oo uu Mud. Xamari markale dareemay dhadhanka guuldarada markii urur siyaasadeedkii Kulmiye lagaga guulaystay doorashooyinkii madaxwayne nimo ee sanadkii 2003dii.

Mud. Xamari markale ayuu ka digo rogtay xisbigii Kulmiye isaga oo ku biiray xisbigii talada hayay ee UDUB waxana ay ahaayeen waayahani markii ugu horaysay ee sida wayn uu Mud. Xamari uga soo iftiimay saaxada siyaasada, waxana lagu xasuustaa hadaladii aadka u adkee ee ololahii doorashada ay ku dhaliili jireen xisbigii mucaaridka ahaa ee Kulmiye oo ay isaga iyo saaxiibadii si kulul u naqdiyi jireen siyaasadiisa oo ay waayo aragnimi balaadhan u lahaayeen isaga iyo saaxiibadiisii kale ee ka soo digo rogtay.

Mud. Xamari waxa  kale uu ahaa masuulkii tirintii natiijadii codadkii doorashada  ee gobolka Awdak u qaabilsanaa xisbigii Udub, waxana lagu xasuustaa sidii uu mudo  u liqi kari la’aa natiijada guuldarada xisbiga Udub haleeshay, isla markaana uu ugu gcan saydhay inuu saxeexo naiijadii ka soo  baxday doorashooyinka waqtigaasi oo ay guushu ku raacday xisbiga talada haya ee KULMIYE. Tanina waxa ay noqotay natiijo kale oo guuldaro siyaasadeed ah oo u soo hayatay mudanahan

Mud. Maxamed Cabdi Xashi Xamari ayaa waxa kale oo la tilmaami karaa intii uu saaxada siyaasada ku soo dhexjiray ina aanu ahayn mudane hadalo deel qaaf ah oo si wayn loo xasuusto ama dhaawac gaysanaya ay afkiisa ka soo baxeen isaga oo saxaafada ka muuqda, isla markaana ay marwalba u kala soocnaan jireen siyaasada iyo qadiyada jiritaanka qaranka Somaliland, arintana yaaana loo tirinayaa mida muujisay muwaadinimadiisa isla markaana u sahashay inuu ka mid noqdo masuuliyiinta loo igmado qabashada xil muhiim ah oo gobolka ah iyada oo ay wali gobolka joogaan shaqsiyaad kale oo xisbiga talada haya kaalin muhiim ah ka soo qaatay waqtigii ololahii doorashooyinka.

Si kastaba ha ahaatee Mud. Xamari ayaa maanta la wareegay xilka D/Hoose ee Boorama xoghayaheeda fulinta waxana hubaal ah inuu wajihi doono xaalado adag oo daahfuri doona kartidiisa shaqo ee arimaha bulsahada, waxana la xusuusnaan doonaa  in maalmahani ay yihiin kuwo ay magaalda Boorama ee xilka uu ka qabta ay tahay mid maamul ahaan aanan naasibin masuuliyiin kale oo ka soo horeeyay.

Badwayn isugu jirta Macaan iyo Qadhaadh, Qaran iyo Qabiil, Waxqabad iyo Dib u dhac, kaligii tashade iyo Wada tashi, mucaaridad iyo hogaaansan meel ku wada yaala inuu wajihi doono dhex muquuristeeda ayaana hubaal ah Iyada oo ay intaasi dheer tahay in Xukuumada Siilaanyo looga bartay inay in masuuliyiinta waxqabad iyo did-dhac labadaba aanay tix galin ee ay xilka hore uga qaado kuna dhaqanto Xilku waa meerto.

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama