Boorama-(Lug)-Maayarada Magaalooyinkka Boorama iyo Gabilay oo ay weheliyaan saraakiil ka socotay wasaarada arimaha gudaha iyo hayadaha caalamiga ah ee maalgaliya mashaariicda isku dhafka ah ee JPLG-ga ayaa maanta ku kulmay magaalada Boorama.
Maayarka Boorama Cabdiraxmaan Shide Bile oo ka hadlayay shir jaraaid oo ay labadan maayar si wada jir ah ugu qabeen xafiiskiisa ayaa Magaalada Boorama ku soo dhaweeyay Maayarka Gabilay Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo ahayd markii ugu horaysay ee ay magaalada Boorama soo gaadho, Maayarku isaga oo ka hadlaya ujeedada kulankan ayaa waxa uu yidhi “ waxa aan u kulanay si aan u kala faaiidaysano oo aan deg. Gabilay ugu gudbino casharadii aan ka baranay mashaariicdan, waxa kale oo noo farxad ah inaan wada qorshayno sida loo wajahayo mashaariicda soo socda.
Sarkaal ka socday wasaarada Arimaha Gudaha Mud. Ayaa waxa kale oo uu sheegay in kulankani uu qayb ka yahay kulamada gogol xaadhka ah ee ka socda 6 dagmo oo dalka ah oo ay lababa hal magaalo ku kulmayso, waxana uu xusay in mashaariicdan ay yihiin kuwo ahmiyad balaadhan u leh bulshada reer Somaliland isla markaana waqtixaadirkan la balaadhiyay oo lagu soo daray Deg. Gabilay.
Maayarka Gabilay Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo iyaduna ka hadashay halkaasi ayaa xustay inay aad ugu farasan tahay inay soo gaadho Boorama kana mid noqoto degmadeedu degmooyinka uu ka hirgalayo mashaariicdan JPLG-ga oo ah kuwo aad u muhiim ah, Marwo Khadara oo la hadlaysay hayadaha maalgaliyay mashaariidan ayaa waxa ay tidhi “ Waxa halkan ka muuqata in degmooyinkii Galbeedka dalku ay gacmaha is haystaan si ay umadu u midawdona waxa aan ku talin lahaa in degmooyinka Barigana la siiyo fursad tan la mid ah oo ay ku kulmaan kagana qayb qaataan mashaariicadan.
Waa markii ugu horaysay ee tan iyo intii ay xilka Maayarnimo qabsatay Marwo Khadra booqasho ku timaado Deg.. Boorama waxana hubaal ah in waxqabadkeeda degaankaasi uu yahay mid ay dad badani ka war hayaan.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Maayarada Boorama Iyo Gabilay Oo Maanta Ku Kulmay Magaalada Boorama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback