Boorama-(Lug)-Wasaarada xananada xoolaha ee gobolka ayaa dhakhaatiir cilmiga xoolaha ah u dirtay deeganada degmooyinka  Gobolka Awdal si ay halkaas uga bilaabaan hawlo la xidhiidha daraaysan iyo daaweynta  xoolaha ah.

Isku duwaha wasaarada xanaananada xoolaha ee Gobolka Awdal Maxamed Maxamuud C/laahi (Bulbul) ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada khubarada caafimaadka xoolaha ay manta ugu ambabaxayaan guud ahaan degmooyinka Gobolka Awdal, waxana uu sheegay in kooxahan oo sedex ah ay maqnaan doonaan mudo bil ah isla  markaan daraashayn iyo dawayn iskugu dari doonan xooolo tiro badan oo ku nool deegaanada gobolada Awdal iyo Salal, waxa kale oo uu tilmaamay inay kooxdani tahay tii ugu horaysay ee nooceeda ah.

Sikastaba ha ahaatee waa markii ugu horaysay ee  tan iyo intii la soo sheegay abaaraha dadka iyo duunyadaba taabtay inay  ku habssadeen deegaanada xeebaha iyo buuraha ah markii ugu horaysay ee ay wasaarada  xanaanada xooluhu u dirto dhaqaatiir deeganadaasi.

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama