Waxaan U Malaynayaa In Dadka Sigaarka Cabaa Ay Dabkaasi Sababeen….Taliyaha Qaybta Booliska
Waxa Aan Ku Shaqaynaa Xal Ee Arintu Xul Maaha Hadii…..Maayarka Boorama
Meel Fog Fog Ayaa Laga Dooni Doonaa Cida Ay Ku Cadaato, Waalidkana…..Badasaabka Awdal
Boorama-(Lug)-Maamulka Gobolka Awdal,Taliska qaybta Boliska ee Gobolka Awdal iyo Masuuliyiinta degaanka ayaa waxa ay maanta shirar jaraa’id oo kala gooni gooni ah oo ay qabsadeen kaga kala hadleen qasaarahii ka dhashay dabkii maalintii shalay qabsaday kaalin shidaal oo ku taala badhtamaha Boorama.
Ugu horayntii taliyaha qaybta Booliska ee Gob. Awdal Mud. Cabdi Barkhad Araweelo oo ka hadlayay ilaa hada khasaaraha ay tiro koobeen ayaa waxa uu yidhi, waxa aan ilaa hada ognahay ilaa 7 qof oo rayid ah oo ay qaar qabaan dhaawacyo gubasho ah, qaarna qabaan dhaawacyo isjiidh-jiidh ah oo fudud, dhinaca booliska waxa soo gaadhay dhaawac 3 askari oo aan anigu ku jiro.
Mar kale taliyaha qaybtu waxa uu xusay inay la kulmeen dadkii iska lahaa kaalimaha shidaal ee gubtay waxana uu xusay inay u cadayn kari waayeen wax tuhun ah oo salka ku haya sababta keentay dadkaasi shalay, waxana uu intaasi daba dhigay, waxa aan u malaynayanaa inay dadka sigaarka cabaa halkaasi ka ag dhawaayeen sababtuna ay taasi ahayd.
Taliyaha Qaybtu waxa kale oo uu u digay dhalinyaro uu sheegay inay yidhiin qas wadayaal oo uu xusay inay ku daba jiraan isla markaana ay sharciga horkeeni doonaan.
Maayarka Magaalada Boorama Cabdiraxmaan Shide Bile oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu xusay inay dareen san yihiin in ay magaalda Boorama tahay bilaa dabdamis balse waxa uu hoosta ka xariiqay in ay baahiyuhu jiraan sida ay u ka amudan yihiina ay u kala horaysiin doonaan.
Maayar Shide waxa kale oo uu ka waramay qorshaha dawlada hoose ee Boorama iyo sida ay ka yeelayaan kaalimaha shidaalka ee ku yaaala gudaha Boorama waxana uu yidhi “ waxa aan ku shaqaynaa xal ee xuk ma eegno hadii aan xul eegayno cidna ma shaqaysan karto sidaasi aawadeed sida xalku yahay ayaan ku dhaqaaqanaa.
Sidoo kale Maayarku waxa uu ka hadlay arimihii banaanbaxyada ahaa waxana uu yidhi ma ahayn banaanbaxyo wax xidhiidh ahna lama lahayn dabka kaalinta shidaalka, waxa jira kooxo rabshadaha jecel waanan u digaynaa oo cid walba oo lagu ogaado talaabo sharci ah ayaa laga qaadi doonaa.
Badhasaabka Gob. Awdal Axmed xadi Sidci ayaa isaguna dhankiisa u qabtay shir jaraaid waxana uu ku sheegay in gudida nabadhalyadu ay shir ka gashay dhacdadii shalay isla markaana ay ku heshiiyeen in kaalimaha shidaalka laga saaro gudaha magaalda Boorama, sidoo kale mar uu ka waramayay arinta dabdamis ay magaalada Boorama yeelato ayaa waxa uu xusay in ay iska arki doonan dhawaan ganacsatada waxana uu yidhi “ aan isku tashano aan dhianaceena wax ka urursano inshalaah bishan bisheeda waxa aan ku rajo waynahay inay magaaladu yeelato 2 dabdabis.
Waxa kale oo uu badhsaabku sheegay in ay gudida nabadgalyadu ka shirtay wax uu ugu yeedhay kooxo qa wadayaal ah oo rabshado ka wada gudaha magaalada Boorama waxana uu yidhi “ Meel fog fog ayaa loo dooni doonaa cida ay hawlahani ku cadaadaan, waan u digayaa waalidka oo waxa aan leeyahay qaada masuuliyada ubadkiina, waxa aan ka digaynaa falkaasi oo kale waxana aan qaadi doonaa talaabo cad oo aan kula tacaalayno.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama



Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Jawaabo Noocee Ah Ayay Ka Bixiyeen Masuuliyiinu Gobolka/Dagmadu Dhacdadaii Dabkii Kaalinta Shidaal Ee Boorama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback