guurti3.jpg

 

 

Hargeysa-(Lug)-Mudaneyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland  Wakiilada iyo Guurtida, ayaa maanta fadhi wada-jir ah oo ay yeesheen waxay cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen in xukuumadda Somaliland ay ka qeyb gasho shirka dawladda Britain ay ku qabanayso Magaalada London 23-ka bishan.

Fadhigan wada jirka ah ee Labada gole oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa khudbad ka jeediyay Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo Xildhibaanadda labada gole warbixin ka siiyay shirka London waxaanu sheegay inaanu shirkaasi haba yaraatee wax saamayn ah ku  lahayn qadiyada gooni isu taaga Somaliland, waxaanu ku dooday inay Somaliland ay warbixin dheer oo  ku saabsan masiirkeeda iyo waxqabadkeedii labaatankii sanadood ee la soo dhaafay ay ka jeedin doonto madasha shirkaasi oo ay ka soo qeyb galayaan in ka badan afartan wadan.

Wasiirku wuxuu sheegay inaanay Somaliland ugu jirin qorshaha khariirada nabadda ee Soomaaliya hase yeeshee ay shirkaasi ka khuseeyo qodobada kale ee lagu gorfayn doono ee ay ka midka yihiin la dagaalanka budhcad badeedda iyo argagixisadda.

Khudbadaasi ka dib waxa  Mudaneyaasha labada Gole ay  wax ka bedel ku sameeyeen qaraarkii sharci oo ay hore ugu mamnuuceen in Somaliland ka qeyb gasho shirarka Soomaaliya,  intaasi ka dib waxay ncod aqlabiyad ah ku meel mariyeen in xukuumadda Somaliland ka qeyb gasho shirka London waxaana ogolaaday 101 Mudane, 3 Xildhibaan ayaa diiday, halka afar Mudane ay ka aamuseen , Guddoomiyuhuna aanu codayn.

Fadhigan wada-jirka ah ayaa ka dhashay ka dib markii shalay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu kulan mart-qaad qado ah u sameeyay Mudaneyaasha labada gole kaasi oo uu uga waramay shirka London oo ay xukuumadda u ogolaadeen inay ka qeyb gasho.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
cumarmfaarax@hotmail.com