Boorama-(Lug)-Sheekooyinka La halmaala gabdho aad u da’yar oo dab naftooda sudhay waa kuwo gudaha magaalada Boorama maalmahan dambe si wayn ay hadal hayntoodu isku soo tarayso laguna hadal hayo meel walba oo lagu kulmo, sheekooyinkan
ayaa siyaabo kala duduwan loo odorasayaa balse waxa ugu dambeeya ee gundigoodu yahay waxa uu isugu soo ururayaa inay sabata gabdhaha is gubaya ka dambaysaa ay tahay JIN ROOXAAN iyo QURUUMO KALE OO aan la arkayn.
Xaalku sidaas ma wada aha, saraakiisha boolika ee saldhiga bariga boorama waxa ay qoraal ahaan u soo bandhigeen baadhis lagu sameeyay gabadh yar oo agoon ah oo isku dayday inay isgubto balse laga badbaadiyay dabkaasi.
Gabadhan yar oo oo magaceedu yahay Xamda Xasan Aadan ayaa da’deedu tahay 12jir agoon ah waxana ay ka warantay sababta keentay inay u badheedho dab waxana ay tidhi “ Waxa aan ahay agoon hooyaday waxa ay gashaa kuuliga 3da waqti halmar ayaan wax cunaa waa la iga soo eryay dhamaan meelihii agoomaha lagu xanaanaynayay sidaasi darteen ayaan isku gubayay waa ciil marka aad aragto gabdhaha da’daada ah oo wax kasta uu dugsigu u baahan yahay in la siinayo adna aad iska ag watdo cid kuu gargaaraysa”.
Sidoo kale gabadhan yar hooyadeed ayaa dareenkeeda iyo sida gabadheeda yar loo badbaadiyay dhankeeda ka cabirtay waxanay tidhi “ Wiil jaarka ah ayaa arkay oo I badbaadiyay gabadhayda, waa masiibo iyo fal naxdin badan …Marooradilaac ayaa ugu waca waxa ay wayday cid wax u tarta anuu kuuli ayaan ahay, waxa aan aad uga xumahay in ugu yaraan 3 goobood oo agoomaha laga taageero ay na soo diideen mana naqaan sababta waxaas oo dhan waa garab la’aan mana lihin ehel noo dhaqdhaqaaqa ama wax na tara.
Hooyadan ayaa waxa ay dalbatay gargaar in lala soo gaadho si ay noloshoodu u noqoto mid sidan dhaanta.
Intan oo kaliya ma aha bale waxa jira dad badan oo ay arintani damaqay qabana dareen ah inay arintan masuuliyiintu ka gaabisay hoos u eegideeda, wana mid ka mid ah dadkaasi uu ydhi “ Waa masiibo waxa dhacayaa meel kale kama dhacdo waa gabadhii 4aad ee bishan gudaheeda is gubta mana cada sabatu waayo lama helin cid ka mid ah masuuliyiinta iyo dadkii aan dooranay oo hoos u eegta, nolosha ayaa ugu wacan waana in hoos loo eegaa waayaha adag ee ay dad badan oo dan yar ahi ku nool yihiin”
Qoyskani waa mid ka mid ah qoysaska tirade badan ee u baahan gurmadka ee ay duruufaha nololeed ee jiraa khatar hor leh u horseedeenxaaladahan dabka iyo gubashada hablaha yaryar ee da’yarta ah sababatoodu ha ahaato JIN ROOXAAN iyo duruufo kale intaba e waxa ay tahay masiibo u baahan in indhaha loo furo oo food saartay guud ahaan bulshada gaar ahaana haweenkii ahaa mustagbalka barito.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama







Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Maxay Isku Gubaysay Gabadh Yar Ee Isgubida Laga Badbaadiyay? "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback