Tan iyo markii Madxweyne Siilaanyo uu qabtay hogaanka talada dalka 27/07/ 2010-kii , mudo haatan laga jago 18 bilood, waxa beelaha darifyada Somaliland ka soo yeedhayey cabashooyin ka dhan ah hannaanka guud ee saamiqaybsiga awooda dalka ee beelaha Somliland ee la xidhiidha dhinacyada jagooyinka siyaasada, jagooyinka madaxda sar-sare ee qaranka, fursadaha shaqada, adeegyada mashaariicda horumarineed iyo dhismayaasha kaabayaasha dhaqaalaaha dalka, kaas oo beelaha darifyada Somaliland ay wada rumaysan yihiin in aanu ahayn mid dheelitiran ama xalaal ah, balse uu yahay mid si weyn looga sadbursaday, isla markaana lagu quusiyey wax ka yar tagoog sakaaro marka la barbardhigo saamiyada ardaayada beesha dhexe ee Somaliland.
Waxa kale oo ka mid cabashooyinka beelaha darifyada Somaliland khilaafyo dhulfidsi ah oo la xidhiidha deegaanada Kalshaale iyo Maygaagle oo ka tirsan dhinaca Bariga Somaliland iyo dhulbeereedka Caadda iyo Ceelbardaale oo ka tirsan dhinaca Galbeedka Somalilaand. Waxa kale oo intaas u sii dheer dilal si sharci-darro ah loogu gaystay dad ka tirsan beelahaas, sida dilalkii qarasoodiga ahaa ee dhowrka jeer ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta G/Sool iyo dilalkii kale ee ka kala dhacay Kalabaydh iyo Seemaal oo dhinaca Galbeedka Ah, arrimahaas oo ilaa maanta si qota dheer ugu turqan gunta hoose ee quluubta bulshada ka soo jeeda beelaha darifyada Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee, Soomaalidu waxay ku maahmaahda “Waraaba daalay dirirtiisaa loo tagaaye,” shaki kuma jiro in cabashooyinka beelaha darifyada Somaliland oo soo jiitamayey ilaa xukuumadihii hore ee Somaliland ay baryhan dambe isku rogeen dareeno iyo dhaqdhaqaayo ka dhan ah qaranimada Somaliland kadib markii Madaxweyne Siilaanyo uu ilduufay inuu wax ka qabto.
Waxayna cabashooyinkaasi maanta marayaan heer qurbajooga beelahaasi sababtooda awgeed ay uga faa’iidaysteen ku dhawaaqida maamul-goboleedyada ay ula magacbaxeen Awdal State of Somalia iyo Khaatumo State of Somalia oo ka dhan ah qaranimada Somaliland.
Sidoo kale, waxaan meesha ka madhnayn in dagaalkii sokeeye ee ka dhacay Buuhuudle uu ahaa mid ka dhashay hakrashada Madaxweyne Siilaanyo uu hakraday inuu wax ka qabto cabashooyinka beelahaas. Dabcan, dagaalkaasina waa mid khalkhalgalin karaya qaranimada Somaliland, isla markaana halis ku ah midnimada iyo wadajirka beelaha Somaliland ee walaalaha ah.
Dhinaca kale, walow beelaha darifyada Somaliland ay wada saxeexeen heshiiskii 18/05/1991-kii lagu gaadhay magaalada Burco ee dhammaan beelaha Somaliland ay dhidibada ugu wada taageen gooni isku taaaga qaranimada Somliland, hadana duruufihii xiligaas taagnaa awgood, heshiiskaasi ma ahayn mid beelaha darifyada Somaliland ay gorgortan ka galeen qodobka ku saabsan hannanka guud ee saamiqaybsiga awooda dalka ee dhammaan beelaha Somaliland. Dabcan, ilduufkaasina waa kan manta sababtiisa awgeed, qurbajooga beelaha darifyda Somaliland ay uga faa’iidaysteen ku dhawaaqida maamul-goboleedyada Awdal State iyo Khaatumo State, si ay u khalkhaliyaan nabadgalayada iyo gooni isku taaaga qaranimada Somaliland.
Isku soo wada duuboo, hadii maanta xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay awoodi kari lahayd kaliya intay miis la soo fadhiisato beelaha darifyada Somaliland qalin iyo buugna ay u qaadan lahayd dhammaan waxay tabanayaan, tani si weyn ayey u dejin lahayd waxna uga tari lahayd xiisaadaha ka oogan dhinacyada beelahaas. Waana mid sax ah in la tijaabiyo wax kasta oo suurtagal ah oo nabada wax ka taraya, maadaama dagaalku khasaara badan yahay, sida dhiig badan oo ku daata, dhaqaale badan oo ku luma iyo burbur badan oo uu keeno ama uu gaysto.
Sidaas awgeed, Madaxweyne Siilaanyo waxaan u soo jeedin lahaa fursada kaliya ee maanta lagaga hortagi karo Somaliland inay lugaha hoos ula sii gasho dagaalo baahsan oo lagu hoobto sida Somalia oo kale iyo inay u sii kala googo’do maamul-goboleedyo, in ay tahay Madaxweyne Siilaanyo oo dhammaan beelaha darifyada Somaliland ugu wada baaqa gogol kaliya oo ballaadhan oo beelahaasi si furan ay ugu soo wada bandhigi karaan dhammaan cabashooyinka ka dhanka ah xukumada Somaliland ee manta isagu uu Madaxweynaha ka yahay, maadaama beelahaasi ay ilaa maanta tabayaan inay shuruud la’aan ama gorgortan la’aan kaga qaybgaleen, sababo jiray xiligaas awgood, heshiiskii dhammaan beelaha darifyada Somaliland ay ku wada saxeexeen magaalda Burco sannadkii 1991-kii ee dhidibada loogu taagay gooni isku taaga qaranimada Somaliland.
Qalinkii:
Prof. Aadan Diiriye Dixood


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Tabashooyinka Beelaha Cidhifyada + Natiijooyinka Ilaa-hada Ka Dhashay Iyo Talo Ku Socota Madaxweyne Siilaanyo "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback