Buuhoodle- (Lug)-Weerar Culul oo saaka hiirtii ay soo qaadeen Maleeshiyaadkii shirku dhowaan uga socday deegaanka Taleex ee loo bxiyey Khaatumo ayay si adag isaga difaaceen ciidanka qaranka somaliland, weerarkan gaadmada ahaa ee ay maleeshiyaadkaasi soo qaadeen ayaa sida ilo xog ogaal ahi sheegeen jab xoogani ka soo gaadhay kooxdi weerarka soo qaaday ee fidnad wadayaasha ahaa.
Dagaalkan oo la isu adeegsaday hubka culculus ayaa dhawaaqa madaafiicda iyo hoobiyaasha si weyn looga maqlayaa gudaha magaalada buuhoodle, dadkii deggenaa aaga dagaalku ka socdo ee sooljoogta ayaa ka cararay guryahoodii kadib markii ay u adkaysan waayeen hubka culculus ee ay ka dul ridayaan kooxaha fidnad-wadayaasha ah ee waday shirkii khaatumo seeg ee ka socday deegaanka TALEEX.
Illaa iyo imminka war sugan kama soo bixin khasaaraha dagaalka balse waxa la sheegayaa in kooxaha weerarka soo qaaday dhaawacooda iyo meydkoodu uu tiro beelay, halka ciidanka qarankana ay jiranaa Askar Dhaawacyo culisi soo gaadhay balse lama sheegin wax dhimasho ah oo dhinaca ciidanka qaranka soo gaadhay.
Goobjoogayaal Rayid ah oo ka ag dhow aagga dagaalka isla markaasna ku sugan meel ka yar baxsan Deegaanka Buuhoodle ayaa sheegaya in dagaalkaasi weli socdo.
Lughaya-Disk


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " WAR DEGDEG AH: Dagaal Aad U Culus Ayaa Shantii Habeenimo Ee Xalay Ka Bilaabmay Deegaanka Sooljoogto Ee Duleedka Buuhoodle "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback