masuuliyiinta-awdal-iyo-lughaya.jpgBoorama-(Lug)-Tan iyo intii uu gaadhay xadhiga SOMCABLE degaanka Lughaya ayaa waxa isa soo taraya wararka sheegaya in qodida xadhigaasi ay degaankaas ka abuurtay ismaandhaaf u dhexeeya dadka degaanka iyo maamulka SOMCABLE iyo kuwa degmada Lughaya oo is huwan, waxana ay arintani sababtay in 21 qof laga soo xidhxidho degaankaas laguna soo shubo saldhiga dhexe ee Boorama.

Xadhigan ayaa waxa xaqiijiyay Maayarka Lughaya Mud. Saleebaan Cabdi Cabdilaahi waxana uu yidhi ” Way jirtaa arintaasi waa dad aanan waxba ka ogayn ahmiyada xadhigan oo gooyay xadhigaasi waxana aan u soo xidhxidhnay inay arintaasi is hortaageen waxana aan hor keenaynaa Sharciga”

maayarka-lughaya.jpg

Ku simaha Badhasaabka Gob/Awdal ahna Badhasaab ku xigeenka Gob/Awdal Mud. Cabdi Nuur Sugaal oo isaguna dhankiisa ka xaqiijiyay xadhigan ayaa waxa uu yidhi ” Markii uu xadhigu soo gaadhay Lughaya ayaa waxa abuurmay buuqan waayo dadka degaanka waxa loo ogolaaday inay ka shaqaysataan waxna dadka la soo xidhxidhay waxa ay isugu jiraan 3 qaybood oo kala ha Qayb odayaal ah oo qoray waraaq ah in xadhigaasi aanu dhex marki karin degaankaasi, Qayb 2aad oo ah kuwo gooyay xadhig 6km ah iyo qayb kale oo shaqada is hortaagtay” way xidhan yihiin dadkaasi oo dhan waxana an dadka leeyahay hadii aad cabasho qabtaan la soo xidhiidha maamulka laakiin idinku sharciga gacantiina ha ku fushanina.

 

badhasaab-ku-xigeenka-awdal.jpg

Mar kale waxa uu ku simaha badhasaabku  beeniyay warar sheegaya in ay degaanda Bulacado ee deg. Lughaya ka soo dageen ONLF waxana uu yidhi ” Waxaasi waa wax aanay waxba ka jirin ma jiraan wax ka soo dagay waxa aan leenahay suxufiyiinta qora warar xaqiiqo ah ciidanka qarankuna waa joogaa degaankaasi waana feejigan yahay.

Dhankiisa ayaa isaguna waxa arintan daadufeeyay Maayarka Lughaya Mud. Saleebaan Cabdi Cabdilaahi waxana uu yidhi ” Waxa aan ku suganahay degaanka Bulacado warkaasina waa mid been abuur ah, waxa halkan jooga ciidankii qaranka iyo dadka degaanka oo heegan ku jira, wararkan waxa wada kuwo warxumo tashiil ah ama somalilaan sumcada ka dilaya.

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama