Hargeysa-(Lug)-Golaha wakiilada Somaliland, ayaa maanta ansixiyay laba xeer oo muhiim u ah dalka oo baahi weyn loo qabay sharci ahaan kuwaasi oo kala ah laba xeer nidaamiye oo kala xeerka xeerka la dagaallanka budhcad baddeeda iyo xeerka isweydaarsiga maxaabiista.
Buuq iyo saxan ka dhashay madashii ansixinta labadaasi xeer ka dib markii Xildhibaanadda qaar soo jeediyeen in la kala reebo, haddana waxa Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ku dhawaaqay cod geliyay labadaasi xeer nidaamiye.
Fadhigan oo ay ku sugnaayeen 50 mudane oo ka mid ah 82-ka Xildhibaan ee aqalka wakiiladdu ka kooban yahay, waxa ugu horayn cod loo qaaday xeerka la dagaalka budhcad baddeeda, waxa ogolaaday 46 mudane, waxaa diiday 3 mudane, mana jirin cid ka aamustay, sidaana waxa ku ansaxay Xeerka la dagaallanka budhcad baddeeda oo ka kooban 14 qodob, lambarkiisuna waa xeer/lam 52/2012.
Xeerka labaad markii la guda galay waxa mudaneyaasha tiradoodu noqotay 51 mudane, gudoomiyuhu wuxuu dalbaday in la gallo cod u qaadista, hase ahaatee mudaneyaal badan, ayaa qaliyey oo dalbaday in xeerkan aan cod loo qaadin ilaa mudaneyaashu ka doodan sidii xeerkan Budhcad baddeeda.
Markii ay qaliyeen mudaneyaal badan, ayaa gudoomiyuhu wuxuu soo jeediyey inuu cod u qaadayo in duuduub lagu ansixiyo iyo in goluhu ka doodo, markii codkii la qaadayna waxa mudaneyaashu u bateen in sidaa lagu ansixiyo. 32 mudane, ayaa taageeray in bilaa dood lagu ansixiyo, waxa diiday 5 mudane, 12 mudanena way ka aamuseen.
Xeerkan isweydaarsiga maxaabiista oo ka kooban 24 qodob, markii cod loo qaaday waxa lagu ansixiyey 32 ogol, 5 mudane oo diiday iyo 13 mudane oo ka aamusay.
Mudaneyaasha, ayaa oo hore u saluugsanaa xeerka la dagaallanka Budhcad baddeeda, ayaa aad ula yaabay in aanay shir gudoonku dood gelin xeerkan isweydaarsiga maxaabiista. Mudaneyaal si weyn uga biyo diiday qaab dhaqankii shir gudoonka, ayaa shir jaraa’id qabtay markii laga soo dareeray fadhigii cod qaadista.
Saddexdaa mudane oo kala ahaa Siciid Cilmi Rooble, Saleebaan Cawed Cali (Bukhaari) iyo Maxamed Saalax Cige, waxay aad u weerareen qaabka loo ansixiyey xeerkan, waxaanay golaha guurtida ka codsadeen in xeerkaa ka fiirsadaan oo aanu dhaafin, maadaama ay yihiin golihii odayaasha.
Waxay kale mudaneyaashaasi shir gudoonka ku dhaliileen in aaanay golaha ugu shaqaynayn sidii haboonayd oo ay golaha jiidhsiinayaan xeerarka iyada oo aan laga doodin. Sidoo kale xubnahani waxay mudaneyaashii doonayey in la de-dejiyo ansixinta xeerkan ku dhaliileen kuwa meel kaga dhacaya qaranimada iyo dadkii soo doortay.
Waxay kale oo ka hadleen muhiimada xeerkani u leeyahay qaranka iyo bulshada, sidaa awgeed ay haboon tahay in laga baaraan dego.
Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Golaha Wakiiladda Oo Ansixiyay Laba Xeer Oo Baahi Weyn Loo Qabay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback