Xafladii Furitaanka Jaamacada Eelo American University Oo Maanta Ka Dhacday Hutel Rays Ee Magaalada Boorama.

 

Boorama-(Lug)- Xaflad si heer sare ah loo so agaasimay oo loogu talo galay furitaanka EELO AMERICAN UNIVERSITY ayaa ka dhacday maanta Hutel Rays ee magaalada Boorama. xafladaas oo ay ka so qayb galeen marti sharaf badan oo ka kala timid dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba, waxaa ka mid ahaa ka soo qayb galyaasha mudanayaal ka mid ah baarlamaanka S/land, Wasiir ku xigeenka wasaarada Waxbarshada, Duqa magaalada Boorama, odayaal, aqoon yahano, dumar, culim'udiin iyo dadwayne kale oo fara badan.

Waxaa ugu horayn ka hadlay xafdalaas Prof. Axmed Xaashi Abiib ka mid ah aas-aasayaasha jaamacada EElo American, waxaanu ugu horayn u mahad naqay ka soo qayb galayaasha kala duwan ee ka kala yimid meelaha kala duwan waxaanu intaas ku daray sababta keentay in jaamacadan la furo in ay tahay inaan dadka aan ka dhalanay wax u qabanayo oo qoyska reer Xaashi Abiib ay jecel yihiiin in ay ka qayb qaataan had iyo jeer horumarka dalka kuna soo kordhiyaan waxyaabo ay dadku ka faa'iidaysan karaan. Waxaanay ka kooban tahay ayuu yidhi jaamacadani oo hada lagu bilaabayaa dhawr kuliyadood oo ay ugu horeeyaan kuliyada Engeneering oo u kala qaybsanta laba qaybood oo kala ah Civil Engineering iyo Electrirc Engineering oo aan is nidhi waa laba qaybood ee hada la bibaali karayo oo hada ay duruuftu saamaxayso, waxaa kale oo iyana barbar socda oo aan bilaabaynaa Computer Sceince iyo Information Technolagy, Iyo Management Science oo iyagana aan bilaabayno oo barbar soconaya sadexdaa qaybood ayaan rabnaa in aan xooga saarno, waxaan doonaynaa jaamacadani inay noqonto mid ummada ka dhexaysa oo tabaabulshaheeda iyo abaalukeeda inkasata oo laga sameeyey dalka Maraykanka hadana waa mid ka hawl galaysa halkan oo u adeegaysa dadkeena iyo dalkeena. Waxaanay la mid tahay jaamacadaha maraykanka ee ka jira meelo badan oo ka mid ah dunida sida American University in Bairut iyo American University In Cairo oo  markaa shuruucdeeda iyo Qawaaniinteedu waxa ay waafaqan yihiin xeerarka Maraykana, waxaa kale oo uu sheegay Prof Axmed Xaashi in jaamacada madaxnimadeeda ay noqon doonto mid wareegta ah oo kolba la soo dooran doono dadka xilkeeda qabanaya ummada oo dhan waa u siman tahay , waxaa kale oo uu ka shanqadhiyey maadaama ay jaamacadani la mid tahay kuwa Maraykanka in ardayda ka baxdaa ee darajo fiican keenta ay jaamacadaha ku yaala gudaha wadanka maraykanka ay ka soo diyaarin doonaan Masters Degree iyo wixii kale ee ka sareeya.


Prof Ahmed Hashi Abiib Oo Ka Mid Ah Aas-aasayaasha Jaamacada Eelo American University

Mar uu ka hadlayey Prof.Axmed magaca Jaamacada halka laga keenay ayaa uu yidhi waa Buur la yidhaahdo EELO oo ku taala xaga xeebta  waana halkii uu aabihii ku dhashay oo uu ku raaci jiray geeli ay qoskoodu lahaan jireen.


Mr William Hixon  oo ah gudoomiyaha Jaamacada EELO AMERICAN UNIVERSITY

Waxaa kale oo uu sheegay in ay jaamacada  Camuud ka dhaxayn doonto wada shaqayn iyo wax wada qabsi, sidoo kale ay ka dhaxayn doonto jaamacadaha kale ee Somaliland, isagoo Axmed hadalkiisa kusii daray in ay hada maktabada jaamacada yaalaan 25 kun oo Buug oo noocyo kala duwan ah kuwaas oo u badan maadooyinka jaamacada lagu dhigayo una badan buugaag Casri ah oo la daabacay 2004, 2005 iyo 2006.

Maayarka Magaalada Borama Md.C/raxmaan Shide Bile

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Mr William Hixon  oo ah gudoomiyaha jaamacada EELO AMERICAN UNIVERSITY oo isaguna aad uga mahad naqay ka soo qayb galka wacan ee dadka faraha badan waxaanu Mr Hixon sheegay in ay tahay fursad qaali ah sidii looga faa'iidaysan lahaa jaamacadan waxaa kale oo uu intaa ku daray in  uu u balan qaadayo ardayda firfircoon ee ku wanaagsan waxbarshadooda in ay America deeq wax barasharo ka heli doonaan laakiin waa in ay balan qaadaan ayuu yidhi in ay wadankooda ku soo noqonyaan oo ay u faa'iidaynayaan dadkooda, waxaa kale oo intaa uu ku daray in ay dawlada Marykanku ka war hayso hawsha ay halkan ka hayaan, markaa wixii kaalmo ah ama talo ahna way inagu dari doontaa, waxaa kale oo uu sheegay in ay waxbarashadu ay cunto u tahay maskaxada bani'aadamka, iyadoo uu William sheegay in ay rabaan in ay abuuraan shaqooyin oo ay dadku aqoontooda iyo maskaxdooda ka faa'iidaystaan, waxaanan isku dayi doonaa in aan ku dhiiri galino in ay shirkadu maal gashadan wadankan.


             Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in aanay u iman in  ay badalaan dhaqanka ama diinta dadka ee ay tahay in ay is kaashadaan oo aan kala qaadano wixii aan isku dhaano  waana in aan had iyo jeer eegno wax aan iskaga midka nahay ee aynaan eegin wixii aan ku kala duwa nahay waxaa kale oo uu tibaaxay in ay macalimiinta meel kastaba haka keenaane in ay keeni doonaan macalimiin tayo leh. Waxaan rabaana ayuu yidhi in wadanka aan horumarino oo is badel dhaco, William waxaa uu ku soo gabagabeeyey in aanu waxba la hadhayn oo uu dadaal badan ku bixinayo sidii mashruucani u guulaysan lahaa.


Wasiir Ku Xigeenka W/Waxbarashada
Ismaaciil Maxamed 

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Duqa magaalada Boorama Md. C/raxmaan Shide BIlle oo aad u soo dhaweeyey furitaanka jaamadan kuna tilmaamay horumar balaadhan oo ay gaadhay ummada reer Awdal oo uu intaa ku daray inay tahay waxyaabo loo baahnaa in ay soo kordhisay jaamacadani.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay SH. Cali Aadam Nuur oo aad u balbalaadhiyey diinta Islaamku sida ay u dhiiri galisay waxbarashada oo dadka oo dhan laga rabo in ay wax bartaan.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Suldaan Ibraahim Jamac oo ku hadlayey magaca salaadiinta waxaanu aad u soo dhaweeyey furitaanka jaamacadan EELO oo uu ku tilmaamay markii hore Camuudi in ay ahayd madi ee ay hada wehel yeelatay oo ay tahay wax wayn oo maanta inoo soo kordhay.


Ibrahim Magan Nuur oo magaca odayada ku hadlayay

Waxaa kale oo halkaasi ka halday Ibraahim Magan oo sheegay in markii la aas-aasay Camuud ay geed hoosteed ku aas-aaseen maanta ay arkayaan halka aan fadhino waxaa kale oo uu intaas ku daray wixii dibada loo tagayey hadii halkan lay noo keenay waa in aan caruurteenii ka soo celinaa qurbaha oo ay halkan wax ku bartaan, isagoo sheegay in markii Camuud la bilaabay ay iska ururiyeen $500 shan boqol oo dollar qofkiiba odayadii maantana aan tani waxba la waydiin ee loogu yeedhay furitaankeeda oo kali ah, isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu yidhi C/laahi Xaashi Abiib wuxuu u dhigmaa 40 wiil oo reer Awdal ah, Isagaa Camuud bilaabay maantana tan inoo bilaabay, waxaanu sheegay in markii uu maayarka ahaa ee uu C/lahi Borama yimiday uu u riday 20 madfac soo dhawayntiisii.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay xildhibaan golaha Baarlamaanka ah oo kasoo jeeda Gobolka Hargeysa gaar ahaan degmada Gabilay oo magaciisa la yidhaahdo Xasan Cawaale Caynaan oo isaguna sheegay in ay reer Gabilay uga fadhiyaan reer Xaashi Jaamacadoodii isagoo sheegay inay reer Xaashi reer Gabilay ahaayeen.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle oo sheegay inay jaamacadani inoosoo kordhisay arimo qiimo badan u leh Bulshada reer Awdal iyo Somalilandba, isagoo sheegay in loo baahanyahay inaanu maamulku noqonin qof kaliya ee uu maamulku noqdo mid wareegto ah, oo kolba cida ku haboon loo dhiibo, hadii kale fadhiid bay inaga noqonaysaa, waayo anigoo kale waxaan ku xisaabtamayaa shanta sano ee aan Baarlamaanka ku jiro waxaan qaban lahaa, anigoo hada ay iga dhaceen laba sano, oo aan ku xisaabtamayo inta ii hadhay wixii aan qaban lahaa, hadiise aan ku xisaabtamayo inaan waligay fadhiyayo kursiga waxba qabani maayo.

Ugu danbayntii waxaa soo gabagabeeyey oo xdhiga ka jaray EELO AMERICAN UNIVERSITY wasiirka ku xigeenka wasaarada waxbarashada Ismaaciil Maxamed  oo sheegay in ay dawlada S/land taageesan tahay jamacadan soona dhawaynayso.

Waxaa xusid mudan in aanu xafladaas ka soo qayb galin gudoomiyaha gobolka Awdal isagoo la sheegay in la gaadhsiiyay warqadii casuumada.


Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada Oo Xadhiga Ka Jaraya Jaamacada Eelo


Bidix, Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, Xildhibaan Abubakar C/raxman Good iyo Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Ismaaciil Maxamed

 

 

Wariye:-
Hassan Isse
Lughaya News-Borama