“Waxa Uu Ku Saabsanaa Suugaanta Carabiga Iyo Soomaaliga Wuxuuna Ku Soo Bandhigay Gabayo Carabi Iyo Soomaaliba Leh Oo Uu Isagu Tiriyay”Telefishinka caalamiga ah ee af Somaliga ku hadla ee magaciisa la yidhaa Universal ayaa xalay waraysi ku saabsan suugaanta Carabiga iyo Soomaliga la yeeshay abwaan Zakaria Hussein-Quulle oo ka tirsan shabakaddan Lughaya News, iyada oo uu halkaasi Abwaan Zakariye ku soo bandhigay gabayo isugu jira Carabi iyo Somaali oo uu isagu tiriyay.
Zakariya waraysiga waxa uu ku sheegay in uu suugaanta Carabiga billaabay sannadkii 1996 kii xilliyadii uu ku jiray dugsiga dhexe ee uu wax ka baran jiray Machadka Sucuudiga ee ku yaal magaalada Djibouti, waxaanan dhiirigelin ka heli jiray buu yidhi macallimiintii machadkaasi oo isgu jirtay Soomaali, Masaari iyo Sucuudiyiin, iyo waliba ardaydii wax ka baran jiray halkaasi, waxa kale oo uu sheegay inuu suugaanta Somaliga billaabay sannadkii 2001dii.
Waxa kale oo uu ka warramay faraqa u dhexeeya Carabiga iyo Soomaliga suugaan ahaan, wuxuuna sheegay in gabayga Somaliga iyo Carabigu aad u kala duwanyihiin maadaama ay luqadaha Somaliga iyo Carabigu waxyaabo badan ku kala duwanyihiin, wuxuuna tusaale ahaan u soo qaatay kala duwanaanshaha dhinacyada habdhaca iyo higgaadda gabayga (miisaan iyo qaafiyad) iyo sida ay labada luqadood ugu kala duwanyihiin.
Mar uu ka jawaabayay sida uu isku waafajiyo shaqada Saxaafadda iyo curinta suugaanta waxa uu caddeeyay inay saxaafadu tahay shaqo adag oo u baahan hal-abuurnimo joogto ah, wax-soosaar aan kala go` lahayn iyo maskax markasta dihin, halka curinta suugaantuna u baahantahay fakir iyo faraaqo, iyada oo ay sidaas arrintu tahay haddana warfaafinta qudheeda waxaan uga faa`iidaystay buu yidhi curinta gabayada.
Zakaria waraysigaasi waxa uu ku soo bandhigay gabayo isugu jira Somali iyo Carabi sida (Awal Nadra), (Dabyu- raabiya) oo jacayl ah kuna soo baxay af Carabi iyo (Lan Astakiin) oo ka warramamayay dhibaatada ka taagan Falasdiin oo isaga qudhiisu Carabi ahaa , dhinaca Soomaligana waxa uu soo xulay gabayada kala ah silssiladdii Qodoxda, Cabasho, iyo gabay qiiro leh oo uu kaga warramayay dhibaatooyinka ka jira magaalada Muqdisho wakhtigan xaadirka ah, iyada oo uu hab dhaqanka Soomaaliyeed waafaqsan u soo labistay abwaan Zakariye Hussein markii uu ku luuqaynayay gabaygaasi (dalkeenii xasuuq baa dhacay ….).

bogga suugaanta ee wargayska al-Mir`aat ee uu Zakariye tifaftiraha ka yahay
Sida la ogyahay Zakaria Hussein waxa uu ka qalinjabiyay dhawaan qaybta TV ga iyo Radioha ee kulliyadda warfaafinta ee jaamacadda Al-imaam Muxamad ee ku taal magaalada Riyaad, imikana waxa uu shaqo waayo aragnimo u joogaa Channelka caalamiga ah ee al-Majd, in ka badan 3 sannadoodna wuxuu ahaa tifaftiraha bogagga suugaanta iyo cilmi baadhista ee wargayska al-Mir`aat ee ka soo baxa kulliyadda warfaafinta ee jaamacadda al-Imaam, iyada oo uu marar badanna gacan ka geysan jiray bogagga waraysiyada, warbixinnada iyo xog-baadhka, sidoo kale waxa uu wax ku qoraa websiteyo badan oo Soomaali ah.
Waxa soo koobay :
Wariye:-
Cabdalle Cali Yusuf
cabdalemiskiin@hotmail.com
No user commented in " Universal TV Oo Waraystay Abwaan Zakariye Xuseen "
Follow-up comment rss or Leave a TrackbackLeave A Reply