Gabaygan waxa uu Abwaan wariye Zakariye Xuseen ku sawirayaa dhibaatada ka taagan Muqdisho, wuxuu ka mid ahaa gabayadii uu ku soo badhigay waraysigii uu dhawaan siiyay telfishinka Universal .
1. Deellayda gabay waanigii daayay maalmahane
2. Dibnahaan ka laabtoo baryahan maan danayn jirine
3. Hayeeshee duruufahan jiraan dayn karayn hadale
4. Caawaan idiin dari tixdii dahabiga ahayde
   ====                        ======           =========
5. Waa gabay dihaal iyo rafaad diif la soo kacaye
6. Waa gabay xabadi daashatuu jaah-wareer dilaye
7. Waa gabay dadkiisii colaad loogu dow gelaye
     ====           =======                   ==========
8 .Dagaalkii sokeeyuhu markuu waayo dami waayay
9 .Markii ay is wada dooxatayee dirirti naafaysay
10. Waa gabay dalkiisii la gelay duhur dharaareede
11.  Oo dahabadiisii wacnayd cadow dumaaleene
        ======               =======           ========
12. Waa gabay daliil toosan iyo diirad kaashada `e
13. Waa gabay dalkiisiyo dadkaba aad u daafaca `e
14. Waa gabay la daayacay wax badan oo nasiib darane
       ========                      =======       ========
15. Waa gabay duruufahan jiriyo diiday waaqica `e
16. Waa gabay xaq –doonoo ka biqi jeel in loo diro `e
17. Waa gabay dardaarmaaya oo waa digniin culuse
          =========         ========        =========
18. Dalkeennii xasuuq baa ka dhacay lagana daanduune
19. Darxumooyin baa yaalla iyo xaalad qaab darane
20. Dooxooyinkii laga qax iyo daarihii Xamare
     =======     ======             ===========
21. Dumarkiyo carruurtii dab baa lagu gumadaaye
22. Waxa lala dul joogaa bam iyo danab rasaaseede
23. Xogta wariyihii diri lahaa waa la dilayaaye
          ========                              =======

24. Maydkii dadkaa yaal jid iyo dow kastood mariye
25. Guryahoodi baa qaar ku dumoo BM baa dilay
26. Qaar baa dihaal iyo harraad daatay cararkiiye
27. badh baa doonyo raacayo u kacay daartii Aakhiro`e
        ===          ========                ===========
28. Dayniiliyo Kamiin bay Tekreedii durdurisaaye
29. Waxay doonayeen bow hirgelay damacsanaayeene
30. Hohey xabashi duuflaa qabsaday dagelladeenniiye
        ====            ========               ==========
31. Cadowgii na soo doontay baa diinti quudhsadaye
32. Dugsiyadi quraankiyo masaajiiddi buu degaye
33. Alle doori kaadiyo wax daran bay ku uriyeene
          ======           ====                ==========
34. Dad is iibayay nagu jiriyo qaar dillaala ahe
35. Rag dantooda gaarkuun watoo doorsamaa badane
36. Birta la igu dilay waan aqaan daabka caawiya `e
      ========            ======            ========
37. Shacabkeenni kala daadsanaan buu la daadegaye
38. Waa la isku dacareeyay oo laysku dirayaaye
39. Dulmigiyo dhibaatada la waa inay ka doodaane
40. Isku duubni iyo wada jir iyo daacad laga waaye
41. Sixir baa ku dooloo malaha way dardaranyiine
         ========                =====              ========
42. Dumarkeenna ma xumayni jirin doqon xabuusheede
43. daji nuugayaal iyo kufrigu may dullayn jirine
44. Innagaase sidan dooranayoo diidnay midowgiiye
45. Waynaan dareemine khalqigaaan ugu danbaynaaye
    =========             =========         ==========
46. Dugaag cuni ma aaamino marnaba ruux damiir lihiye
47. dameeruhuna geedaha badh bay garasho diidaane
49. danta iyo xaqood garab martaa dib u dhac weeyaane
50. dadku maalintuu is raacsanyuu darajo gaadhaaye
       ========           ===========          =======
51. haddii uu dadaal muujiyuu loolan damin waayo
52. diciifkii la haystaa mar buu dib u xoroobaaye
53. u guntada dagaal oo xal kale yaan la daydayine.
Abwaan:-
Zakariye Hussein-Quulle.