maayerka11.JPGBorama-(Lug)-Waxaa hotelka Rays ee magaalada Borama maanta lagu qaybta shir ay isugu yimaadeen Maamulada Dowladaha hoose ee Magaalooyinka Borama,Hargeysa-,Gabiley,Ceerigaabo,Sheekh, iyo Berbera oo ku bahoobay Ururka Somaliland Municipalities Association (SMA) iyo Hayadaha Caalamiga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin oo ay weheliyaan deeq bixiyeyaasha Caalamiga ah.iyo Wasaarada Howlaha Guud ee dalka.
engg.JPG

Shirkan oo socon doona mudo Hal maalin ah ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hayada UN-habitat oo iyadu isku xidhe u ah Mashaariicda dhinaca horumarka magaalooyinka ee loo yaqaan SURP waxaana shirkani lagu gorfayn doonaa buug hor leh oo ay diyaariyeen Khabiiro ka socda Hayada UN-Habitat kaasi oo ka waramaya “Planing Building Codes” Shuruucda Dhismaha lana doonayo In laga soo dheegto sharciyo laga siman yahay oo lagu dhaqo Dhismayaashada dalka oo dhan.
safarkii1.JPG

Maayarka Magaalada Borama C/raxmaan Shide Bile oo shirkan furay ayaa isagu ku soo dhaweeyey Magaalada isla markaana sheegay in Maalinba maalinta ka dambaysa ay wada shaqaynta ay leeyihiin dowladaha hoose ee dalku soo wanaagsanaanayso lagana midho dhalinayo Ujeedooyinkii loo aas-aasay ururka dowladaha hoose ee dalka .

Maayarka Magaalada Hargeysa Eng.Xuseen Maxamuud Jiciir oo isagu haya Jagada Gudoomiye-nimada Ururkan SMA oo shirkaasi ka hadlay ayaa isna sheegay in ay dowladaha Hoose ee dalka horyaalaan dhibaatooyin u baahan Iskaashi iyo in meel looga soo wada jeesto shirkana uu yahay mid wax wayn ka taraya Sidii dowladaha hoose ee Magaalooyinka waawayni ay gacan usiin lahaayeen kuwa kale isla markaana loo wadaagi lahaa waayo aragnimooyinka laga dhexlay Mushkiladaha jira kuwaasi oo keenay in la abuuro Ururkan SMA ee ay ku midoobeen.
deeqbixiyeyaasha1.JPG

Waxaa kale oo uu tilmaamay Gudoomiyuhu in mudadii labada sanadood ahayd ee uu jiray Ururkani ay waxbadani u qabsoomeen balse wali loo baahan yahay in la dar dar galiyo si baahiyaha jira ay u noqdaan kuwa la dabooli karo.

Waxaana uu uga mahadcaliyay Hayada UN-Habitat iyo deeqbixiyeyaasha caalamiga ahba sida ay taageerada hiilka iyo hoogaba leh ay ula garabjoogaan meel marinta Ururkan iyo in dowladaha hoose ee ay wada shaqaynta leeyihiin ay noqdaan kuwo si wayn u falanqayn kara baahiyaha jira iyo adeegyada loo baahan yahay.

Waxaa kale oo shirkaasi ka hadashay Isabeel Candela oo ka socotay EC(European Comission) isla markaana ku hadlaysay magaca Deeq bixiyeyaasha Caalamiga ah waxaana ay sheegtay inay farxad wayn u tahay inay arkaan dowladaha hoose ee dalkan Somaliland oo wada shaqaynaya waxaanay iyadoo arintaasi ka waramaysa ay tidhi “Farxad ayay noo tahay inaan aragno Dowladihii Hoose ee Dalkan Somaliland oo iyagu ku bahoobay Urur Noocan oo kale ah kuwaasi oo is caawinaya isla markaana wadaagaya waayo aragnimooyinka ay ka siman yihiin iyo dhibaatooyinka Haysta sidii ay u xalin lahaayeen waa hubaal waan taageeraynaa Ururkan SMA hadii aanu nahay deeq bixiyayaasha waxaanan filaynaa in Sanadkan Maadaama ay jiraan Doorashooyin ka dhacaya Dalkiina uu noqdo mid aad wax badan iska kaashataan sabobtoo ah waxaa sanad aad u adkaan doona”.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Howlaha Guud oo isaguna ka hadlay shirkaasi ayaa sheegay inay ahmiyad gaar ah ugu fadhido wasaaradiisa shrkani maadaama lagu gorfaynayo sidii loo midayn lahaa Shuruucda dhinaca dhismaha ah ee Magaalooyinka kaasi oo waxa wayn ka tari doona in la wanaajiyo qaababka magaalooyinka.
safrkii21.JPG

Waftigan oo ka kooban Hayadaha Caalamiga ah ee UN-Habital, UNA, Consortium,ILO,
UNDP iyo deeq bixiyeyaasha Caalamiga ee kala ah Italilan Corporation,EC ,Swedish Government,DIFToo soo gaadhay magaalada Borama ayaa waxa ay Maalintii shalay kromeero ku soo mareen Goobo ay ka mid ah Xaafada Sh.Cismaan oo ay ka socdaan Mashaariic loogu magac CDD, oo ay taageerto Hayada UN-Habitat  oo la doonayo inay bulshadu hormuud ka noqoto Horumarka ay hiigsanayso iyo Mashaariicda kale ee ay Hayada Un-Habitat la wada dowlada hoose oo ay ugu muhiimsan yihiin Mashaariicda dhinaca Nadaafada ah (Solid Waste Management  SWM) oo la doonayo in wax lagaga qabto Nadaafada Magaalooyinka.

Waftigan ayaa waxa uu u amba bixi doonaa Magaalooyinka Berbera iyo Sheekh waxaana ay indha soo saari doonaan gabi ahaanba wax qabadka Hayada UN-habitat ee dhinaca Magaalooyinka laga qabtay .
 

Wariye:-
Cabdalle Cali Yuusuf
Lughaya News-Borama.