Sidaynu wada ognahay waxaa waaydan  loolan xoogan ka dhexjiraa  xisbiga kulmiye  dhexdiisa cidii hanan lahayd  labada kursi ee ugu sar saraysa  waa madaxwaynaha  iyo  maxwayne kuxigeenkee.

Waxaa  kale oo waayadan soo badanayay  taageerayaasha  xisbiga kulmiye oo aad moodo  in aad logu soo diga roganaayo waayadan danbe oo aad ku arkayso ragbadan oo cusub oo ku soo biiray xisbiga taasna waxay  ku tosinaysaa inay dadkii rer somalilnad wax soo  yara fahmayaan  xaga asxaabta siyaasiga lana soo baranaayo waxa  ay tahay axsaab ama xisbigu.

Hadii aynu  usoo noqono  G/Awdal  waxaa kajirta loolan xaga xisbiga  kulmiye  dhexdiisa oo loogu tartamaayo jagada Madaxwayne  kuxigeenka.

Waxaa  ilaa hada sharaxan  4 musharax oo dhamantood kasoo wada jeeda  G/Awdal oo mid waliba doonayo jagadaasi M/kuxigeenka.

 Magacyada  Musharixiinta Rer Awdal Uga Sharaxan M/Kuxigeenka Xisbiga Kulmiye Waasidan.
 
1.Aadan Jaamac Hoori                        Musharax jagada M/kuxigeenka X/ kulmiye
2.Ismaaciil Muumin Aare                      Musharax jagada M/kuxigeenka X/kulmiye
3.C/raxmaan Awcali Farax                   Musharax jagada M/kuxigeenka X/kulmiye
4.C/raxmaan C/laahi Ismaacil(Saylaci) Musharax jagada M/kuxigeenka X/kulmiye
 
Hadii aynu mid mid  isku dultaagno waxa aykala yihin iyo waxa ay ka kasban doonaan dadka ay karabaan  codadka.

Hadii aynu ku horayno Aadan Jaamac Hoori  waa siyaasi  saaxada siyaasada soogalay inta u joogo  madaxwayne  Rayaale Xafiiska Madaxwaynaha  waxa uuna  xilal kasoo qabtay  golaha wasiirada waxa uu soo kala qabtay wasiir ku xigenka howlaha  guud iyo wasiir ku xigenka  xanaanada xoolaaha oo  ugu danbayn tii uu iska casilay markii uu isku garan waayay.

Wuxuu  shaaciyay in uu yahay G/xigeenka xisbiga kulmiye dhamaadkii sanadki tegay waxaynu odhan karnaa  Mr Hoori  hadii uu ku soo baxo  jagadaasi waxa uu hanan karaa marka ladhafo beesha uu ka soo jeeda dadbadan   oo rer Awdal ah waana dhicikartaa in uu ku gulaysto jagadaasi.
 
Ismaaciil Muumin Aare waa siyaasi  aqoonyahan rer Awdal ah oo aynu  odhan karno waxa uu kujiraa dadka  intabadan  aan hadal  xumaan ah lagasheegin  bulshada  rer Awdal  dhexdeeda. waxa uu wakiil u ahan jiray  hayada UNDP  Awdal   intii uu  halkaasi  joogay wax aanu  kasheegi karnaa waa iska yaryahay oo aan ahayn wanaag.

Waxayse  dhibtu ka taagantahay Beesha uu ka soo jeedo ee Rer Nuur oo aan uqayb samayn labo meelood   waa mida horee waxaa Beesha  kumaran  xisbilxaakimka  Udub oo aynu odhan karno waxay katahay  Beeshu 50%. waa mida labaade  hadii uu kuguulaysto jagadaasi M/kuxigeenka  waxaa lagayaabaa  in ay arqalad ku noqoto  in uu helo taageero badan   marka laga reebo  Beesha kuu ka soo jeedo ee rer Nuur.  waloo  yahay nin aqoon yahana  hadana waxa la odhan karaa waa adag tahay sida uu taageero uga heli lahaa  Beelaha kalee  Makaahiil  maadaama  Daahir iyo Huda barkhad halkan  soo taaganyihiin oo ay rabaan  in ay Beesha  taageero  kahelaan.
 
C/raxmaan Awcali Faarax waa siyaasi  somaray  marxalado siyaasi howgu horayso  ururki  SNM   oo uu sheegto  in uu mujaahid ahaa iyo  madaxwayne  kuxigeenki horee  Somaliland. Hadii uu kuguulaysto jagadaasi waxaa hortaagan C/\raxman Awcali taageerada uu kaheli lahaa dadka rer awdal sadex  arimood  waa mida horeee

waxay  dadka rer  Awdal intaban ay  uhaystaan in uu yahay C/raxmaan Awcali Faarax ninkii 1991 ku soo  hogaamiyay Xamashidi darbigii dhacay ee mingiste oo  ugaadhsanayay  kooxo kasoo  horjeeday  sida  jabhadii  onlf iyo  oromadiib oo markaa fadhiisin u ahayd  dalka somaliya iyo  jabdahii SNM labadaasi group oo  iskaashanaya ayaa siyaabo kala duwan u soo galay  waxay sobobeen  dhimasho aad ubadan  oo isaga laftiisu aanu filanayn. iyo madaxdii   ururkii  SDA  ee ka qayb galay  shirkii burca oo  bebera lagu laayay sida Cali Faarax Sayax iyo qaarkale  isaga  oo  markaa ay  isku huteel  deganaayeen arintaasi  C/raxmaan ka  muusan hadal dadka qaarkiina ay aamin sanyihiinba  in uu isagu kadanbeeyay maadama uu damacsanaa  M/kuxigeenka  jamhuuriyada  Somalilanad.

Mida labaad waxa weeyi  ee taageerada C/raxmaan Awcali iyo simcadiisa  hoos udhigtay  waxaa lasoo maray  tiraba  sadex doorasho  tii dowladaha hoose oo markaa uu ahaa  G/kuxigenka  Xisbigii Asad wax kuula kama soo howyn waxa kadanbaysay tii  madaxtinimada oo   ka ahaa  G/kuxigeen  Xisbiga  Kulmiye wax guulo kama soo howyn   waxaa  ugu danbaysay tii baarlamaanka  waxaan  odhan karnaa intii looga baahnaa  Xisbi ahaan  G/Awdal  kamay soobixin arinta.
 
Waa arinta sadexaade  Beesha uu ka soo jeedo C/raxman Awcali oo    intabadan  taageerta Xisbiga Udub iyo   Daahir Rayaale   oo ay isku raas hoose yihin.
 
Waxaase iswaydiin mudan  hadii uu C/raxmaan Awcali ku soo bixi waayo kala xulashada  G/kuxigeenka  Xisbiga Kulmiye  ee loobalan sanyahay malmaha   fooda inagu soo haya Beesha Jibriir Yoonis inta taageerta XS/Kulmiye masii joogi doonaan  Xisbiga Kulmiye mise  Xisbiyada kale ayay ku biiridoontaa maadaama ay  wali  u bislaan  Somaliland  Xisbinimada oo ay ka doorbidaan qabiilka.
 
 
C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (C/raxmaan saylaci) waa siyaasi  dayar oo aad u firfircoon bulshada dhexdeedana aad looga qadariyo wax qabad kiisana aan la soo koobikarin  waxa uu ku soo biiray  golaha deganka ee Boorama  2002  doorashadii   dowladaha  hoose wuxuu ka soo baxay degmada boorama  C/raxmaan waxaynu  ku tilmaami karnaa nin  kartibadan daacad ah aan dadka  caadifada badan ahayn.

Hadii uu ku soo baxo  jagadaa loo tartamaayo  ee G/kuxigeenka Xisbiga Kulmiye waxaynu odhan karnaa marka laga reebo  Beesha  uu ka soo jeedo ee degta galbeedka  G/Awdal ee Bahaber celi   wuxuu kasban karaa taageero yaal badan sida  Beelaha Maxad Case  iyo  Beelwaynta Habarcafaan oo aan ladhayalsan karin   iyo waliba  Beelaha makaahiil, Beesha Ciise  oo ay   degaan ahaan   isku   ooda yihiin.
 
Isku wada duuboo  waxaynu halkan ku eegaynaa  Statics aanu  ka samaynay musharixiinta  G/Awdal uga sharaxan M/kuxigeenka Xisbiga kulmiye sida midka ku soo baxaa jagada uu bulshada cod uga heli doono ayaa sidan udhacday

No:      Magaca Musharaxa       Codadka Uu Heli Karo %

1          C/raxmaan Aw Cali Faarax                      17%
2          Aadan Jaamac Hoori                                 21%
3          Ismaaciil Muumin Aar                                42%
4         C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici)       63%
 
  

Cumar  Maxamuud Qayaad ( Xadaari)
Yeman Taiz.
xadaari_1@yahoo.com