Boorama-(Lug)- Midka mid ah salaadiinta Gobolka Awdal ayaa sheegay inaan waqtigan laga qaban karin gobolka wax diiwaangalin ah, maadaama ay dadka deegaankan ku jiraan xaalad abaareed iyo barakac ka dhashay masiibooyinkii dabiiciga ahaa oo aanay ilaa hadda jirin xukuumad iyo cid kale oo wax u qabatay.

Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye (Sanbuurad) oo ka mid ah salaadiinta inta badan ka hadla danta iyo tabashooyinka Gobolka Awdal ayaa ku adkaysay in dadkii gobolkan ku noolaa 40% ay tahriibeen, dadkii degmooyinka gobolka ee ay ku habsatay dhibaatadii roobabka barafka ee xoolihii ka fara bexeena markii ay waayeen cid ka gargaarta dhibaatadii soo gaadhay ay u yaaceen dhinaca qoxootiyada ka furan dalalka Jabuuti iyo Yemen, xukuumada Somaliland-na aanay wax jawaab ah ilaa hadda ka bixin baaqyadii salaadiinta iyo bulshada gobolka ee gurmadka loogu dalbayay dadkaa dhibaatadu ku dhacday iyo baaqyadii kale ee ka horreeyay ee cunaqabayntii dhaqdhaqaaqa ganacsigii Jabuuti ka imanayay iyo xoolihii laga qaadayay cashuur aan dalka intiisa kale laga qaadin, sidaa awgeedna aanay salaadiinta reer Awdal aanay raali ka ahayn in la yidhaa; “Diiwaangalinta waxa loogu horraysiinayaa Gobolka Awdal oo waliba xaaladan ku jira, kuwo kalena waxaannu u soconaa tirakoobka Gobolka Awdal, waxaan u aragnaa in ujeeddadoodu tahay ku digasho, iyada oo waliba la sheegayo inay damacsan yihiin diiwaangalinta la hadal hayo inay gobolkan ka bilaabaan, taana oggolaan mayno ilaa gobollada kale la diiwaangaliyana, ma dhacayso mana ogolaan doono in Gobolka Awdal wax diiwaangalin ah laga sameeyo, waayo gobolkan noqon maayo galkii usha lagu dayayay.”

Waxa kale oo uu ku dheeraaday sida mar kasta oo tallaabo la qaadayo gobolkan loogu horraysiiyo iyada oo dadka ku dhaqana aanay wax hadal ah ka keenin, tan hadduna aanay waxba u soo kordhinaynin”ma kolay ayay diiwaangalintan la sheegayaa wax sax ah gobolkan u soo kordhinaysaa sawnagii xaqayagii siisanay Madaxweynaad leedihiin, reer Awdal wax kasta oo xaqiina lagu dulmayo maxaa idiin diiday inaad ka hadashaan,” ayuu hadalkiisa ku yidhi Suldaan Dugsiiye.

 

Xigasho Jamhuuriya