Warsaxaafadeed        29/02/2008
Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin,  waxa uu xalay kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Wefdi uu hogaaminayo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somaliland/Soomaaliya Mudane Ahmed Ould-Abdalla  oo booqasho  gaaban ku soo gaadhay Jamhuuriyada Somaliland shalay khamiistii.

Madaxweynaha Somaliland iyo Ergayga gaarka ah ee QM waxa ay ka wada hadleen Arrimo dhinacyo badan leh oo ay ka mid yihiin dhinacyada Nabad gelyada , Xasiloonida iyo Geedi socodka  nidaamka dimuqraadiyada ee Somaliland ay ku tallaabsatay tan iyo intii Qaranimadeeda kala soo noqotay wadankii la isku odhan jiray Soomaaliya.

Booqashada Ergayga gaarka ah ee QM Mudane Ahmed Ould-Abdalla oo ahayd tii ugu horeysay  tan iyo intii uu xilka la wareegay waxa ujeedada ugu muhiimsan ee ka dambaysaa ay ahayd  socdaal isberasho ah  oo ujeedadiisu ahayd  in indhihiisa ku arko waxyaabaha ay Somaliland qabsatay , isla markaana uu kulamo kala duwan la yeesho Madaxda xukuumada oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin.

Madaxweynuhu waxa uu kala hadlay Ergayga gaarka ah ee QM arrimo badan oo ay ka mid tahay qaddiyada Somaliland  iyo fariimo la xidhiidha  waxyaabaha  ay qabsatay Somaliland si uu ugu gudbiyo ergaygu Xoghayaha Qaramada Midoobay .

Mudane Ahmed Ould-Abdalla waxa uu isaguna ku dheeraaday aadna ugu amaanay Somaliland Waxyaabaha u qabsoomay oo ay ugu weyn yihiin xoojinta dimuqraadiyada , Nabad gelyada , Xasiloonida iyo shuruucda dawladnimada Somaliland ku dhaqmaysay tan iyo mudadii ay  qaranimadeeda  la soo noqotay, waxana uu sheegay in QM ay aad u dhiiri gelinayso sii xoojinta waxyaabaha u qabsoomay Somaliland , taas  oo uu ballan qaaday in uu u gudbin doono Qaramada Midoobay  gaar ahaan Xoghayaha guud ee QM iyo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay , iyada oo aanay haboonayn in la iska indho tiro waxyaabaha ay Somaliland  qabsatay  ee dhinaca horumarinta.

Ergayga gaarka ahi waxa kale oo uu ballan qaaday in socdaalkiisani aanu noqon doonin kii ugu dambeeyay , hase yeeshee uu damacsan yahay Mustaqbalka soo socda socdaalo kala duwan in uu ku yimaado Somaliland , kulamo intan ka sii badana uu la yeesho Madaxda Jamhuuriyada Somaliland.
 
Mar uu soo qaaday Ergaygu socdaalkii  ay dhawaanta ku timid Somaliland Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibada ee Maraykanka Jendayi Frazer waxa uu ku tilmaamay socdaalkaasi mid dhaxal gal ah oo wax weyn ka bedelay  aragtidii Beesha Caalamku ka qabeen Somaliland, waxana uu ku soo gabo gabeeyay  inuu rajaynayo Somaliland  ay ku sii socon doonto tubta Nabada iyo dimuqraadiyada , iyada oo doorashooyinka soo socdaana si Nabad ah oo xor ah u dhici doonaan.

 Alla Mahad leh,

Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada JSL