”Waxan Ilaahay Ka Baryeynaa Roob ,Hay’adaha Caalamiga Ahna Waxan Leehay Gurmad Baa Loo Baahanyahay “Guddoomiyaha Awdal
”Reer Boorama Waxay Shaqo Ka Dhigteen Bukaankii Isbitaalada Jiifay Iyo Cayda Adeegayaasha Caafimaadka Gobolka “Maamulka Caafimaadka Gobolka Awdal.
Borama-(Lug)-Munaasabad lagusoo xidhayey toddobaadka dalalka caalamku ugu talo galeen in laga qaybglo dagaalka lagula jiro cudurka qaaxada ayaa maanta lagu qabtay magaaladan Boorama .
Xaflad ku saabsan ammuurtaasi oo ka dhacday Boorama ,ayaa waxa kasoo qaybgalay Guddoomiyaha gobolka Awdal ,Maxamuud Sh.C/laahi Cige .Isuduwaha caafimaadka gobolka ,C/laahi Aw Muuse ,maamulka isbitaalka qaaxada Boorama Maxamed Faarax maxamuud ,Madax ka socotay Haydaha caalamiga ah ee taakuleeya la dagaalanka qaaxada,iyo martisharaf kale .
Guddoomiyaha gobolka Awdal oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday sida loogu baahan yahay in warbaahinta madax bannaani ka hadasho horumarka ,iskana deyso waxyaalaha niyad jabka iyo baabiinta u horseedi karaya hay’adaha caafimaadka iyo adeegyada kale .
Waxa kale oo guddoomiyaha gobolku ammaan usoo jeediyey cid kasta oo dedaal ka qaadata taakuleynta hay’adaha caafinmaadka iyo gaar ahaan ,ka qayb qaadashada la dagaalanka cudurada TBda ka mid tahay .
Sidoo kale waxa guddoomiyaha gobolku sheegay inay gobolka iyo soomaaliland ka jiraan abaaro iyo biyo la’aan khatar gelin karta nolosha dadka iyo duunyada dalka ,sisaa darteedna waxa uu hayadaha caalamiga ah ugu baaqay inay caawimo ka geystaan dhibtaasi .
Isuduwaha caafimaadka gobolka Awdal ,C/laahi Muuse oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si kulul u cambaareeyey qoraallo dhawaanta lagu daacacay wargeyska Jamhuuriya ,qoraalkaasi oo isuduwuuhu ku sheegay inuu dhaafsiisanyahay nidaamka saxaafadda ,cay badheedh ahna loogu geystay masuuliyiinta caadfimaadka ayaa sheegay in dadka waxaase ka qoraya caafimaadka gobolka ama degmadu yihiin kuwa an doonayn inay wax hagaagagaan ,qof nacayn iyo cuqdadina ku jirto .
Isuduwaha oo hadalkiisa arrintaasi jamhuuriya ku dheeraaday ayaa sidoo kale yidhi ‘reer Boorama waxay gaadheen heer ay shaqo ka dhigtaan dadkii bukay ,ee isbitaalka jiifay iyagoo bukaanka iyo shaqaalaha caafimaadka iska horkeena si ay shaqo uga dhigtaan “
Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay maamulaha isbitaalka Guud ee qaaxada Boorama ,Maxamed Faarax Maxamuud ,oo ka warbixiyey hawsha isbitaalkaasi ka qabto dhinaca daryeelka dadka qaba xanuunka TBda tan iyo markii ay aasaastyay hawenaydii talyaaniga ahayd ee Analeno Tonelli,isagoo sheegay in tan iyo waagaasi isbitaalka lgu daaweeyey ilaa 9 kun oo qof ,ilaa imikana ay xanuunkaasi ugu jiraanm isbitaalka ilaa 300 oo qof.
Waxa kale oo maamuluhu u mahadceliyey dhammaan laamaha Dawladda iyo Hayadaha caalamiga ah ee ka caawiya la dagaalnka cudurka qaaxada ,kuwaas oo u sheegay inay ugu horreysay Hay’adda World vision .
Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi saaka ka hadlay saraakiil ka socotay xafiiska World vision ku leedahay Nayroobi iyo Hargeysa ,kuwaasoo ka warramay hawlihii ay ka qabteen la dagaalanka xanuunka qaaxada ..
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyne).
Lughaya News-Borama.


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Isbitaalka TB’da Oo Soo Gebogebeeyey Toddobaad Ku Saabsan Wacyigelinta La Dagaalanka Cudurka Qaaxada .Iyo Baaqa Guddoomiyaha G/Awdal Ee Ku Saabsan Abaaraha "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback