Akhriste yaal Maqaaladan ayaa waxa aan ugu talo galnay in ay noqdaan kuwo taxane ah oo taabanaya xaqiiqda Kalanoolaashaha waalidku sida ay u saamayso barbaarinta awlaada qormadan oo ah qormadii koowaad ayaa waxa ay horhac u tahay qormooyinkayaga dambe:
Soomalidu markii ay soo qaxday oo waddama galbeedka ay yimaadeen, waxay soo dhex galeen waddamo aanay wax macluumada ka haysan qaab nololeedkooda. Waxay yimaadeen waddamo ka dhaqan duwan , ka diin duwan, ka luqad duwan koogii. Mawjado is hirdinaya ayay soo dhex galeen. Jaanis uma helin cid tilmaanta oo ku baraarujisa qaabka ugu haboon ee ay ugu noolaan karaan waddamadaas ay yimaadeen, ninkastaana meeshii tamari dhigto uunbuu nolosha ka qabsanaayay isagoon tilmaan saxa haysan. Sidaa darteed waxa ahmiyada koowaad lasiiyay lacag raadin-tii waxay keentay inay caruurtii Somalidu ay noqdeen qaab ka mida qaababka lagacta lagu raadiyo.
Dhalmada ilmaha soomaliyeed waxay noqotay mid lagu xisaabtamo in uu dhaqaale kusoo kordhiyo qoyskiisa, taasi waxay meesha ka saartay in bar-baarinta iyo tarbiyaynta ilmuhu noqoto kaalinta koowaad una gudubto kaalinta labaad. Tarbiya iyo bar-baarin markaan leehay uma jeedo cunto iyo aradbeel. Waxan ula jeeda kobcinta iyo korinta caqliga iyo akhlaada ilmaha.
Waxa laga yaabaa dadka wadamada galbeedka aan daganayni inay is waydiin waa maxay kala noolaansho iyo siduu u shaqeeyo inkastoo fanaaniinta soomaliyeed qaarkood ruwaayado ka sameeyeen kala noolaanshaha qoysaska soomaliyeed isticmaalaan.
Bal aan ku dhaadhco dulucda qormadan su’aasha I hortaalaana waa waa maxay Kala-noolaansho (Separate)?. Kala noolaanshaha saxda ah ee dadka galbeedku guud ahaan gaar ahaanan UK isticmaalaan waa mid ka duwan kan soomalida. Waxa kala noolaankara ama Separate kala qaadan kara lammaane noloshii isku fahmiwaayay, dhibaatooyin qoysna soo wajaheen. Sidaa darteed waxay qawaaniinta qaar ka mida wadamada galbeedu sida wadanka UK oo kale ogolyihiin in ay labadaa ruux ee is fahmiwaayay kala qaatan Separate oo midkastaaba iskii meel gaara ugu noolaado. Inta ay kala noolyihiin midkasta dawladu si gaara ayay u caawinaysaa gaar ahaan hooyooyinka caruurta haysta. Haddii ay u caddaato inay xallin karaan khilaafaadkooda qoys ahaaneed, way ka bixi karaan kala noolaanshihii waxayna kusoo laaban karaan inay aqal qudha kuwada noolaadaan loona xisaabiyo hal qoys.
Intaas ka bacdi waxa la is waydiin karaa Qoysaska soomaliyeed siday u isticmaalaan kala noolaanshaha (Separate-ka)?.Qaabka soomalidu u isticmaasho waa ka duwanyahay sidaa aan soo sheegnay. Waxay u isticmaalaan qaab lagac raadisa. Ninkii iyo naagtii isma diidana waa heshiis waana wada noolyihiin laakiin gabadhii ayaa waxay u tagaysaa qaybta qaabilsan arrimaha bulshada gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha waxayn sheegaysaa in nikeedii ay is dirireen uuna ka tagay, meel uu taqayna aanay aqoon. Dabacan caruur ayay haystaa, caruurtana dawlada xilbaa ka saranan, hooyadan haystaana ma shaqayso. Waxa loo diiwaan galinayaa inay tahay “single parent” oo macnaheedu yahay caruur waalidkaliyihi koriyo. Taasi waxay keenaysaa in masuuliyadii niku meesha ka baxdo dawladuna lagac dheerada iyo guri siiso reerkaas . Tani markaa ceeb ayay keentay ah, naagtii sanadkasta way dhalaysaa waxana u diwaan gashan inay kaligeed nooshahay uuna nin la joogin. Tani waxay keentay in la is waydiiyo caruurtan ayaa dhalay?? Gabadhii waxay odhanaysaa saaxiibkay waayo ninkeedii waatii tidhi waa iga tagay oo waan is diidnay ama waxay odhaynaysaa nikiibaa caruurta soo booqday wuuna qasbay ka dibna wuu iska tagay. Saaxiib in la yeesho galbeedka ceeb maaha ama naagtu nikeeda khiyaamayso laakiin waxay ogyhiin in islaamku uuna ogalayn saaxiibnimada iyo khiyaamada midna. Waxana dhici karta gabadhu inay xijaabantahay sidan samaynaysa ama nikeedu wadaad yahay.
Taasi waxay keentay inuu abihii soo shaqeeyo hooyaddiina ay dhinaca caruurta kasoo shaqayso iyadoo isticmaalaysa wasiilada aan soo sheegagnay. Waxa ka dhashay arrintan in nikii iyo naagtii iska diidan iskuna khilaafaan xisaabinta kakale waxuu soo shaqeeyay.
Waxa is waydiin mudan haddaba caruurta ku soo barbaaraysa jawi caynkaasi quudna looga dhigaayo lacagta sidaa lagu soo xereeyay qaab caynkeeya ayay u barbaarayaan?! Maxaase musqabalka laga sugayaa inay noqdaan?! Xabsi inay ku danbeeyaan maka qayb-qaadanaysa arrintani??
Qormada labaad ayaan ku eegaynaa qayb ka mida su,aalaah iyo xidhiidhka ka dhexeeya tarbiyada iyo waxa uu quudanayo ilmuhu. Waxan kaloon ku eegaynaa wadaada soomaliyeed ee galbeedka dagan kaalin intee leeg ayay ka qaateen sharciyaynta arrintan iyo ka hadalkeeda.
C/casiis Aadan UK


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Kala-noolaanshaha Labada Waalid (Separate) Iyo Saamaynta Uu Ku Leeyahay Barbaarinta Caruurta Soomaaliyeed ee Qurbaha "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback