Borama-(Lug)-Maanta ayaa maamulka Shirkada Dahabshiil ee G/Awdal ayaa deeq lacageed Gudoonsiiyay Muwaadin gurigiisii kaga gubtay Magaalada Borama 12 February 2008 gurigaasi gubtay oo ku yaalla xaafada Xalane ee Magaalada Borama.
Munaasibada Gudoonsiinta Deeqdaasi oo ka dhacday Goobtii Gurigu Ku shuf beelay ayaa waxa ka hadlay Mudanihii gurigu ka gubtay oo la yidhaahdo Cali Caynaan waxuuna sheegay in gurigiisu uu ka koobnaa Dhagax iyo Looxaan balse maanta aanay waxba ka taagnayn sidaasi aawadeed waxaan mahad balaadhan usoo jeedinayaa Maamulka Shirkada Dahabshiil oo uu hormuud ka yahay Maamulaha Shirkadaasi Ismaaciil Cabdi Riiraash oo deeqdan lacageed ee waxtarka leh I gudoonsiiyay waana arin I farxad galisay wax wayn ayayna taraysaa qiimahan balaadhan ee ay isiiyeen aad iyo aad ayaanan uga mahadcelinayaa Shirakda Dahabshiil Dadaalka iyo Talaabada ay qaadya ee Caruur Gurigoodii Gubtay ay ku caawiyeen.
Waxuuna intaasi sii raaciyay in ilaa iyo Imika Deeq lacageed oo waxtar ah ay isoo gaadhsiiyay Shirkada Telesom oo maanta gacanta iga saartay Waxii mawaawino ee ay iigu talo galeen, iyo Sheekh C/laahi Sh.Cali Jawhar oo isna lacag badan iiga soo uruuriyay Masjiid Jaamaca oo ii keenay,iyo Shirkada Isgaadhsiinta ah ee Telesom waxuuna ugu baaqay cid kasta oo dhibaatadaasi ay damqayso inay sida shirkadaahi iyo Sheekh C/laahi Sh.Cali Jawhar ay kaalintaasi oo kale sameeyaan.
Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Maamulaha Shirkada Dahabshiil ee G/Awdal Ismaaciil Cabdi Riiraash waxuuna cadeeyey in ay ka xun yihiin Arintan soo wajahday caruurta iyo qoyskii ku noolaa gurigaasi oo dab ka baabiiyay inkasta oo uu tilmaamay in Shirkada Dahabshiil ay maanta ka murugoonayso meeshii gurigu ka taagnaa oo baaba ah laakiinse waxuu cadeeyey inay dhibtaasi kala qayb qaadanayaan isla markaasina mudanaha gurigu ka gubtay deeq lacageed oo wax tar ah oo magaca shirkada loogu gudbiyay.
Maamuluhu waxuu sheegay in shirkada Dahabshiil ay goorkasta heegan u tahay in waxii faa’iido soo gala ee macaamiishooda ay ka helaan ay dib ugu celiyaan cid kasta oo dhibaataysan oo wax tabanaysa tan maanta aan gudoonsiinaynaana waxa ay ka mid thaay dadkayagaii oo aan ka caawinayno sidii ay u yagleeli lahaayeen guri ay dib u dagaan oo ay ku noolaadaan, inkasta oo uu cadeeyey in dhibaatooyin faro badan oo ay bulshada wax uga qabtaan had iyo jeer ay shirkada Dahabshiil la kulanto balse waan u adkaysanaynaa waanan u dulqaadanaynaa waxkasta oo dadkayaga wax aan ugu tarayno waxuuna intaasi sii raaciyay oo uu yidhi waxaan ugu baaqayaa ganacsatada reer Awdal,Maamulka Gobolka iyo Degmo in cid waliba gacan ay ka gaysato ninkaasi dhibaataysan ee gurigiisii dabku ka wax yeeleeyay dhaqaalana waxii loogu dari karo la gaadhsiiyo, waxuuna sidoo kale uu ka codsaday qurba jooga reer Awdal iyo kuwa Somalilandba in la soo taakuleeyo dhibanahaasi.
Gurigaasi gubtayna waxaa ku noolaa 15 ruux oo caruur iyo waayeel iskugu jiray isagoo dhamaantii gurigaasi shuf beelay ayaa ilaa iyo maanta dadkii daganaana ay dulsaar ku yihiin cid kale taasoo sabobtu tahay iyagoo awoodi waayay waxay ku dhistaan hantidii ka baaba’day.
Wariye:-
Abokor Hassan Affi.
Lughaya News-Borama.


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Maamulka Shirkada Dahabshiil Ee G/Awdal Oo Deeq Lacageed Gudoonsiiyay Muwaadin Gurigiisii Kaga Gubtay Magaalada Borama. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback