awil.JPG “Waxa Hubaal Ah In Luqada Lagu Barto Xirfada Dhalaanka Oo Kale Loona Baahan Yahay In Wax Badan Lagu Shubo Masxada Si…………………..Prof. Cawil.

Waxa shabakada wararka ee Lughayanews u suurto gashay in ay waraysi qoto dheer oo taabanayay dhinacyo badan la yeelato qoraagii qaamuuska aasaasiga ah Prof. Cawil Cali Xaashi oo isagu ku sugan dalka, waxana waraysigaas oo uu Prof. Cawil  kaga war bixiyay arimo faro badan oo ay ka mid oo taabanaya nolosha Soomaaliyeed, waxana ugu horayn isaga oo ka waramaya ujeedada safarkiisan dalka uu yidhi ” Xaqiiqatan sahan ayaan ahaa waxa aan u imi in aan indho indheeyo nolosha dalka oo ay mudo iigu dambaysay si aan ugu dhiirado soo dagidiisa, waan ku qancay waxanan ogahay in saaxiibo badan oo dibada ku maqan oo aan ogayn xaalada dalku hadii ay iman lahaayeen in ay sidayda o kale ku qanci lahaayeen.

Sidoo kale mar uu Prof. Cawil ka waramayay ujedada safarkiisan kale ee Boorama ayuu tilmaamay in ay ku waynayd oo arkida Jaamacada Camuud waxana uu yidhi ” Boorama waxa aan u imi in aan soo arko hawlaha dhinaca tacliinta ah ee ka socda Jaamacada Camuud oo runtii uu magaceedu meel kasta oo dunida ah noogu yimi waxa aan rabaa in aan fiir-fiiriyo duruufaha jira la kulmo macalimiinta maamulka iyo ardaydaba, kadibna aan wixii aan qaban karo e igaga aadan qabto si aan gacan uga gaysto Tacliinta dalka ka socota.

 rays.jpg

Mar wax laga waydiiyay sida ay balan-qaadyadiisu uga duwanaanayaan kuwa u caadada ah qurbo jooga ee aan wax ka soobaxa inta badan lahayn ayaa waxa uu yidhi ” walaahi marka horaba balanta aan qaadayaa waa mid ila da’ ah taasi oo aan is leyahay wax waad ka qaban kartaa, aniguna waxa aan kaga duwanahay qurba jooga kale waxa aan ahay wali Profesor wax dhiga waanan garan karaa qiimaha ay leedahay in aad dad waxbaranaya ku soo kordhiso.

Prof. Cawil ayaa mar kale oo uu ka jawaabayay waxyaabaha uu ku arkay dalka ee xiisaha badan iyo gaar ahaan magaalada Boorama iyo Jaamacada Camuud ayaa waxa uu yidhi ” Dalka runtii waxa taala oo aanan iloobayn nabad lagu faani karo oo aanan mararka qaar oo lin Maraykanka, Booramana waxa aan ku arkay cimilo fiican iyo magaalo ay ii muuqato in ay mustaqal leedahay sababtoo ah dadka ku nool magaalada ee aan arkay ayaa waxa ay ahaayeen dad dadaal ugu jira waxbarasho, taasi ayaana maalin maalmaha ka mid ah ka dhigi doonta magaalo mustaqbal fiican oo lagu soo hirto. Jaamacada Camuudna waxa aam kula kulamay arday heelan oo dadaal ugu jira sidii ay guul uga soo hoyn lahaayeen halgankan cilmul-daalibka ah ee ay hayaan, qaarkood su,aalihii ay i waydiiyeen ee ku saabsanaa luqada, iyo qaamuuska aasaasiga ah ee aan qoray ayaa ahba wax aan waligay xusuusnaan doono.

Prof. Cawil  ayaa sidoo kale mat wax laga waydiiyay waxyaabihii ku dhaliayay qoridii qaamuuska aasaasiga ah ayaa tilmaamay in ay isaga oo jooga Kanada sanadihii sagaashameeyadii horaantoodii u muuqatay dhiba haysata dadka ku hadla Ingriisiga ee hadana soomaalida ah waxana uu yidhi ” dhibtaasi ii muuqatay ka dib waxa aan isku mashquuliyay in aan mawhibadaydan dhinaca Soomaaliga ah uga faa’iidaysto qorida qaanus anfaca dadka o dhan, waxana xaqiiq ah oo aan isla helay Jacayl aan u qabay qoraalka, Haybad dhinaca afka hooyo ah  iyo Baahi jirtay oo ii muuqatay.

Mar wax laga waydiiyay in uu dareensan yahay dhaliilaha  dhinaca lahjadaha soomaaliga ah ee qaamuuskan  ayaa Prof. Cawil  waxa uu yidhi “Way dhici kartaa in erey uu qof fahmi waayo waxase hubaal ah oo aan wax badan isku mashquuliyay in aan u helo erey walba dhawr micne oo kala duwan ama sharaxaad aan filayo in uu akhristuhu fahmi karo. Sidaasi oo kale ayaa Prof. Cawil  mar wax iyana laga waydiiyay wa yaabaha kale ee uu hal-abuurnimadiisan dhinaca afka iyo qoraalka ah kaga faa,iideeyay ayuu yidhi ” waxa inta badan ii muuqata in ay jirto baahi looqabo hormarinta dhinaca luqadaha ah sidaasi darteed waxa aan door bidaa in la kordhiyo soo saaarida buugta cilmiga ah ha noqdaan kuwo diineed ha noqdaan kuwo luqadeed kuwo daqameed ama culuun kaleba’e, waxana aan jecelahay in buugta madadaalada ah dib loo dhigto.

 Ugu dambayntii mar wax laga waydiiyay waxa talo ah ee uu u soo jeedinayo dadka ku hawlan barashada luqadaha gaar ahaan Ingriisiga ayaa waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in luqada loo dhuuxo sida Ilmaha yar-yar oo kale waxana uu yidhi ” ilmaha yari waxa uu luqada inta aanu ku hadal horteed bilaabaa in uu wax badan ma maqlo (In Put) si uu hadhoow u soo celiyo (Out -Put), aniguna waxa aan qabaa ardaydana u sheegay in ay raadsadaan wax walba oo ay ka faahmi karaan luqada si ay horta ugu shubaan maskaxdooda ha noqoto Video ay daawadaan, ha noqoto Cajalado ay dhagaystaan , Buug ay akhriyaan iyo wixiikasta ee ay heli karaanba markaasi kabacdi waa hubaal in wax badan ay soo celinayaan.

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughaya News-Boorama