libaax.jpgHargeysa-(Lug)- Alle ha u naxariitee waxa xalay ku dhimatay xaafada Saylada ee degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa, gabadh dhalinyaro ah ka dib markii libaax  si kadis ah ugu soo baxay uu  luqunta  kala jabiyay.

libaax.jpg

Libaaxaasi oo ka mid ah raxan libaaxyo rabaayad ah oo uu leeyahay Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, Md Cali Maxamed Waran-Cadde, ayaa ku soo baxay gabadhaasi  dhimatay iyo wiil la socday  oo marayay meel beero dhexdood ah oo ku taala xaafada Saylada ee magaalada Hargeysa.

Libaaxaasi oo ku soo booday labadaasi qof ayaa dhaawacyo fudud  u geystay wiilkii isla markaana goobtii ku dilay gabadhii oo uu kala jabiyay luqunta, dhawr daqiiqo ka dib ayaa ciidamada Booliska ee Saldhiga Qudhac-dheer, oo goobtii yimid ay la kulmeen libaaxii oo dul fadhiya meydkii gabadha.

Ciidamada booliska oo isku dayay inay dilaan libaaxaasi ayay u suurto geli weyday, libaaxiina waxa uu u firdhaday Beerta Weyn ee Wasiirka Duulista hawada iyo Gaadiidka cirka, oo ku taala xaafada New-Hargeysa ee bariga magaalada, oo uu markii horeba ka soo baxsaday.

Hase yeeshee , Md. Cali Maxamed Waran-Cadde, ayaa isla xalayba toogasho ku dilay libaaxaasi dad qaadka noqday, oo sanado badan ku jiray Beertiisa, dhowr jeer oo hore ayay libaaxyadaasi waxyaalo kala gadisan u gaysteen dadyow kala gadisan oo ay ka mid yihiin shaqaalaha libaaxyada ka shaqeeya oo ay hore qaarkiood u dhaawaceen iyo dadyow kale oo aan badnayn, hase ahaatee wali may  gaysanin hada ka hor dil qudh bax ah, sida ay doontaba ha ahaatee waxa la gudboon shaqaalaha beerta xayawaanka ee Warancadde in ay xakameeyaan libaaxyadaasi iyo xayawaanka kale ee halista ah ee ay beertooda loo daawashada tago ay ku hayaan.

Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax.
cumarfaarax2@hotmail.com.