Hargeysa-(Lug)-Wasiirka Duulista iyo Hawada ee Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran-Cade ayaa beeniyay war ku saabsan in Libaax kale beertiisa ka baxsaday Caawa.
Wasiirka Duulista Iyo Hawada Mudane Cali Maxamed Waran-Cade, oo Caawa wax laga waydiiyay xaqiiqada Warkaasi ayaa been iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay waxaana uu yidhi “Waxa jira Caawa in dad si xun wax u sheeg ahi ay suuqa soo galiyeen in Libaax kale baxsaday kuwaaso doonaya inay Umada Baqdin Galiyaan, sidaasi darteed ma jiro Libaax Baxsaday Dhamaantoodna waan Xafiday oo way Xidhan yihiin”.
Mudane Cali Waran-Cade waxa uu sheegay inuu ka xun yahay Geerida Gabadh Dhalinyaro ah oo Libaax ka mid Kuwa uu Beettiisa ku xanaaneeyaa uu Habeen hore ku dilay magaalada Hargeysa,Wasiirku Waxa uu tacsi u diray Qoyskii ay ka baxday Marxuumad Hinda Xasan Ciise oo 25 jir ahayd.
Cumar Maxamed Faarax.
Cumarfaarax2@hotmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland oo Beeniyay in Libaax Kale ka Baxsaday Beertiisa. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback