shirwayaha-2aad.jpgWarbixinta Gudoomiyaha Xisbiga, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo,
Waxaa sharaf iyo farxad  ba ii ah in aan idinku soo dhoweeyo  shirweynaha 2aad ee Xisbiga KULMIYE. Isla markaa waxaan ka xumahay in xubno badan oo xisbiga ka mid ah dibed iyo gudaba iyo marti-sharaf kale oo manta aan jeclaa, istaahilay aadna u xiisaynayey inay innagala soo qeyb galaan shirweynahan, ay sababo kala duwan suurto gal u noqon weyday. Kuwaas waxaanu leenahay qalbigayaga iyo dareenkayaguba si buuxda ayey idiinla jiraane naga raalli noqda.
md-axmed-maxamed-maxamuud-siilaanyo.jpg

Waxaan kaloo ictidaar iyo raalli gelin ka bixinayaa, iyadoo qabashada shirkani u dib uga dhacay wakhtigii markii hore u qorshaysnaa, waxaanse kalsooni idinku siinayaa in dibu- dhacaasi ay sabab u ahayd iyada oo xisbigu wada- tashi dhexdiisa ah ku hawllanaa ,taasoo nidaamyada dimuqraadiga ah caadi u ah. Midda kale , waxa wakhtigaas yara dheeraaday fursad inoo siiyey, in dad badan oo qiima lehi innagu soo biiraan.

HIGSIGA KULMIYE (Kulmiye VISION)

Dhismaha hannaan maamul oo dhaxalgal ah kaas oo noqda mid ka tarjumaya himilada dadweynaha Somaliland :
Nabadayn, horuumar, dimoqraadiyad, cadaalad iyo aqoonsi caalami ah

Taarikhdii Xisbiga.

Asaaskii xisbiga KULMIYE, waxa markii ugu horraysay urur ahaan la siiyey:
• Ogolaanshahii ku meel gaadhka ahaa 20kii May 2002
• Aqoonsiga rasmiga ah ee urur siyaasi ah oo tartanka dawladaha hoose ka qeyb geli kara wuxuu helay  7 september 2002.
• Aqoonsiga buuxa, ee ka mid  noqoshada 3da xisbi ee Qaran wuxuu qaatay  24kii  December 2002 .

Mudo yar ka bacdi waxa xisbigu qabsaday  shirweynihiisi kowaad, kaasoo u rasmi ahaan ku dhistay distoor iyo barnaamij siyaasadeed, kuna doortay hoggaankiisa siyaasadeed.

Is reeb-reebkii ururrada siyaasadeed ka bacdi , waxa Xisbiga KULMIYE ku soo biiray, rag iyo haween badan oo miisaan leh ,oo la ,odhan karo waxay ahayeen haldoorkii ururradii hore ee Hormud, Asad iyo Sahan. Waxay ahayd arrintaasi guul weyn oo derejadii iyo sumcaddii xisbiga  kor u qaadday.

Doorashooyinkii

Doorashooyinkii dalka ka dhacay, haddaan labadii doorashee u dambeeyey uguna waaweynaa soo qaato, watii Madaxtooyada ( april 2003) iyo tii Barlamaanka ee (()ctober  2005 ) , doorashadii madaxtooyada waxa xisbiga KULMIYE ku guulaystay oo kaalinta 1aad ka galay 4 gobol oo ka mid ah 6 gobol ee dalku ka koobanyahay, kuwaasoo kala ahaa Hargeisa ( Maroodi Jeex), Togdheer, Sanaag iyo Sool  labada gobol ee kale ee Awdal iyo Saaxil halka u xisbigu ka galay kaalinta labaad. UDUB, xisbiga talada hayaana labadaa gobollee dambe  kaalinta kowaad ka galay. Bal soo qaado maabka gobollada dalku ka koobanyahay  sidii  doorashada xisbiyadu u kala heleenna  midabo kala duwan u mari, dib isu tag oo sidaas u eeg !! oo adba ha yaabin Waa wax tegey . waa 80 cod waase taariikh.

Doorashadii baarlamaanka ee u dambaysey waxaa Xisbiga KULMIYE ka galay kaalinta labaad. Wuxuu iskaashi la sameeyey xisbiga kale ee mucaaridka ah UCID oo isagu kaallinta sadexaad galay si ay hogaanka barlamaanka labada xisbi u qabsadaan . Arrintaasi waxay noqotay mid mucaaridku ku guulaystay.

Waxqabadka Xisbiga

Xisbigu wuxuu ka furanyahay, oo xafiisyo iyo laamo, ku leeyahay gobollada dalka oo idil iyo degmooyin badan.Waxa u iyana laamo ku leeyahay waddammo badan oo dibedda ah ay ka mid yihiin Europe,America , Austaralia, iyo dalalka Carabta. Xisbiga iyo taagerayaashiisu waxay door hormudnimo ka qaateen
• Halganka loogu jiro in Somaliland hesho ictiraaf caalami ah
• Ololyaasha horuumarinta iyo dhismaha dalka ,iyaga oo mar walba dhiiri-gelinayey, isna dhinac taagayey qeybaha bulshada ey ka mid yihiin:
Maalgashiga ajanebiga iyo qurbajoog reer Somaliland          ee ku hawllan horumarinta dalka sida  wershadaha, skuullada,  jaamacadaha,  cusbataallada iyo mashaaricda  kale.
• Dhiirrigelinta ganacsiga xorta ah iyo suuq geynta xoolaha nool.
• La dagaallanka musuqmaasaqa
• U hiilinta xuquuq al insaanka, xorriyatal qowlka, iyo madax banaannida saxaafadda
• Taageerada dhallinyarada , haweenka, naafada, ururrada halgankii iyo naafadooda.
• Golayaasha xeer dejinta
• Taagerada ciidamada qaranka iyo kuwa nabadgelyada iyo dhiirigelinta  hawlaha ay qaranka u hayaan.
• Waxa kaloo xisbigu  qeyb wax ku ool ah ka qaatay arrimaha nabadaynta dalka iyo la dagaallanka argagixisada masalan ( guushii ay soo hooyeen wakiilladii iyo tagerayaasha KULMIYE ee reer Dhoqoshay markay soo  qabteen gacan ku dhiiglayaashi ajanabiga laayey )
• Waxaanu awood dhaqaale u fidinay mashaaricda iskaa-wax-uqabso  ee dhismaha waddooyinka , briijyada Hargeisa iyo Burco cusbataallada iyo aafooyinka dabiiciga ah ee dalka ka dhaca. Waxaa ugu dambaysey taageradii aanu u fidinay cusbatallka Las -Caanod , daawooyinkii iyo qalabkii qurbajooga KULMIYE ee Americada waqooyi soo direy, taas oo xisbigu toos ugu wareejiyey wasaaradda caafimaadka si ay gobollada oo dhan u gaadhsiiyaan. Taagerada iyo dhiirigelinta  dhallinyarada ; ururradooda, cayaarahooda iyo shirarkooda IWM.

Qiimaynta Xaaladda Dalka

Inta aanan qeybta dambe ee hadalkayga u gudbin,  waxaan tilmaan gaaban ka bixinayaa dalka iyo dadka aynu nahay.
• Somaliland waa meeshii ugu horreysay ee carrada Soomalidu degto , calan xornimo laga taago, taas oo ahayd 26 June 1960.
• Taariikh ahaan marka la eego waa dadkii doofka debedda ee Somalida hormudka ka ahaa ee , horqaaday xidhiidkii dalalka Carabta, Ingriiska, Europe-ta kale iyo qaarrada waqooyiga America.
• Wuxuu degaankeedu eegayaa qeybaha ugu strategic- san Badda Cas, Berbera iyo xeebta ku dherersani na xuddun u tahay.
• Degaanka Somaliland bad iyo berriba wuxuu ka mid yahay meelaha la ogyahay in uu qani ku yahay macaadin badan oo dunidu manta aad u doonayso sida baatroolka iyo macaadin kalo qaali ah. Intaas waxa dheer xoolaha nool, kaluumaysiga iyo beeraha.

Somaliland mar bay fursadeedii lumisay,balse markii dambe dhiig badan bay ku qubtay, naf badanna way u hurtay si ay madax banaanideeda ula soo noqoto. SNM waxay xaqiijisay  mbadi’da ay u dagaallantay, waxayna dhidibada u aastay Somalilanda manta jirta , xorta ah, nabad ku nool ee jidkii dimoqraadiyada qaadday.Waxaa dadweynaheedu si baaxad leh uga qeyb qaatay dib- u-dhiskii dalka, nabadaynta dhexdiisa ah, horumarinta bulshada iyo u hawl -galka aqoonsiga dibadeed ee Somaliland.

Dadweynaha Rer Somaliland waxa uu mudan yahay ammaan, doorka u ka qaatey dhismaha dalka iyo nabadayntiisa. Dedaalka u geystay waa mid runtii aan la qiimayn Karin.

Intaas waxa dheer samirka iyo adkaysiga uu u yeeshay dhibaatooyinka kaga imaanayey xagga dabeecadda, sida abaaraha, duufaanka, xaalufka, cudurrada IWM .

Haddaba waxa ayaan darro ah , iyadoo waxaas oo halgan iyo dedaal ah ummaddu u soo martay ama se ugu jirto dhamaystirka xurriyadeeda iyo kor u qaadista horumarkeeda, in maamulka xukumadeed ee manta dalka ka dhisani uu ummadda kula kaco hagardaamooyin iyo siyaasado dumin kara wixii ummaddu ku soo tacabtay iyo himiladii ay higsanayeen.

Maamul Xumida Maanta Ka Jirta Dalka Waxa Astaan U Ah

• Ku xadgudubka distoorka iyo baalmarista sharciyadda dalka oo dhinacyo badan leh
• Ku tumashada xaquuqalinsaanka , cabudhinta saxaafadda iyo xorriyatal qawlka
• Musuqmaasuqa xadhkaha goostay
• Baabiinta ganacsiga madaxa bannaan iyo suuqa xorta ah ee ganacsiga sida kan xoolaha nool
• Miisaaniyadii qaranka oo la baabiiyey
• Barlamaankii iyo hayadihii sharci dejinta oo la iska baal maray
• Heshiisyo dibedeed oo si badheed ah la isaga galo, oo wixii la doono lagula heshiiyo si gaar ahna wax looga qaato oo aan  la oggolayn in cidina kala xisaabtanto madaxweynaha iyo wasiiradiisa.

Siyaasadda KULMIYE

Haddaba waa maxay siyaasadda xisbiga KULMIYE ee ku wajahan xaaladaha caynkaas ah ee ka jira dalka? Marka ugu horraysa xisbigu wuxuu cadaynayaa in u manta yahay xisbi mucaarid ah, oo xilkas ah, taasoo micnaheedu yahay in u marwalba si geesinimo ah u tilmaamayo waxyaabaha gefafka ku ah ee maamulka manta dalka ka jiraa kula kacayo dadka. Wuxuu isla markaa danaynayaa, in aan dalka wax burbur ah, iyo dhibaato ahi ku iman degenaashihiisa iyo nabadgelyadiisa midna . Marka labaad waxa KULMIYE u soo bandhigayaa ummadda barnaamijka iyo siyaasadda u dalka ku hagayo marka u hogaanka dalka qabto.

Haddaan tilmaan guud ka bixiyo afkaarta ay siyaasada KULMIYE ku fadhido. KULMIYE wuxuu u taaganayahay inu toosiyo dismaha dawladnimo ee marin habaabay, kuna beddelo mid ku salaysan himilooyinka dalka iyo dadkiisa.Waxaa ka mid ah :
• Ku dhaqanka distoorka iyo shuruucda dalka
• Garsoorka oo si dhab ah u madax bannaanaada, loona dhamystiro baahiyihiisa
• Toosinta maamulka dawladeed ,qeyb kastoo ay u tahay ba.
• Nidaamka dhaqaalaha dalka oo noqda mid ku dhisan diirrigelinta iyo kobcinta suuqa xorta ah ( free enterprise )
• Qeybta dawladdu gacanta ku hayso oo lahaada nidaam,xisaab celin iyo daahfurraan ( transparency and public accountability )
• Maaliyadda iyo xeerarkeeda oo dib loo habeeyo si la xisaabtankeedu u fududaato.
• Heerka cashuurta ee daruuriyaadka oo la dhimo laguna beddelo la baxsiga cashuuraha iyo musuqmaasuqa oo lala dagaallamo
• Shaqada lo qabto ganacsatada wax la soo degta ama dhoofsata oo loo fududeeyo.
• Waxqabadka shaqaalaha iyo adeega dekedda oo heerkiisa kor loo qaado
• Dekedda Berbera oo loo dhigo qorshe dub u habayn ah ay kula tartanto dekedaha kheyrkeed ah ee ay isku mandaqadda iyo isku badda ku wada yaalliin.
• Hayadaha Qaranka ee madaxweynaha toos u hoos yimaada ee dawladduna sida gurracan u  adeegsato waxaa KULMIYE ku tala jiraa in uu u sameeyo guddiyo maamul oo  madaxbanaan ( independent boards ) waxa ka mid ah  , Dekedaha, Baanka Dhexe iyo warbaahinta  dawladda
• Isgaadhsiinta dalka gudihiisa oo si dhab ah loo hormariyo. Waxa mudnaan la siinaya waddooyinka gobollada isku xidha  sida Hargeisa/Burco,
Hargeisa /Borama
Burco / Ceerigaabo
iyo waddooyinka Hawdka.
• Waxbarashada iyo adeega cafimaadka , horumarinta dhallinyarada, haweenka iyo qeybaha kale ee bulshada ee u baahan tixgelin gaar ah in la siiyo , intuba si tilmaan buuxda iyo mudnaan leh ayey uga muuqan doonaan barnaamijka xisbiga KULMIYE.

Gobollada Sool iyo Sanaag

Nasiib wanaag manta gobollada Sanaag Bari iyo Sool waxay si buuxda uga midyihiin walaalahooda kale ee Rer Somaliland ee taariikh, ehelnimo  , dal iyo dan ba  wadaagaan.

Waxaanu maamulka dhexe ee dalka ku guubaabinaynaa in si deg deg ah wax qabad hor leh oo la taaban karo, sidii ballanku ahaa loogu muujiyo dadweynaha gobolladaas. Waxaanu ciidamada  Qaranka Somaliland ee gobolladaas difaaca kaga jira  ku hambalyenayaa wajibaadkooda qaran  ey si fiican u gutteen oo keliya mahee, waxaanu bogaadin ugu soo jeedinaynaa sida sharafta,  xannaanada, iyo xaqdhawraka leh ay dadweynaha gobolladaas deggan kula dhaqmaan .

Waxaanu shaki ku jirin in saaxadda siyaasadeed ee dalka gudihiisa wax badani iska bedelayaan oo firfircooni iyo hawl xiisa badan oo siyaasadeed ka aloosmi doonto gobolladaas. Xisbiga KULMIYE xidhiid aad u wanaagsan wuu la leeyahay dadweynaha gobolladaas, shirweynaha ka bacdina waxa u qorshaysan in si mug weyn looga arko gobolladaas iyo dadweynaha deggan dhexdiisa.

Siyaasadda xisbiga KULMIYE ee ku wajahan gobolladaasi  waxay culayska saaraysaa sidii marka hore walaalaynta iyo nabadaynta  dadka gobolladaas ahmiyad weyn loo siin  lahaa, wixii shaki iyaga iyo qeybaha kale ee reer Somaliland ku dhex jirana  looga saari lahaa. Waxa isla markaa lagama maarmaan ah wax qabad degdeg ah oo la taaban karo oo saameeya adeegyada bulshada oo dhan iyo horumarkooda dhaqaale laga fuliyo gobolladaa. Waxaan kaloo ku kalsoonahay in door siyaasadeed oo muuqda oo mug leh gobolladaasi ka ciyaari donnaan siyaasadda qaranka

Siyaasadda Dibedda ee Xisbiga KULMIYEAqoonsiga Somaliland waa himilo qaran oo eynu halgan ugu jirno, dibed iyo gudoba, balse waxa loo baahanyahay in aynu marwalba xusuusano waxaa arrintaa qeyb weyn ka qaadanaya ama sal u ah horumarka dhinacyada kala duwan leh ee aynu dalkeena gudihiisa ka gaadhno, oo ay duniduna inagu qiimayso.

KulmIYE wuxuu aaminsan yahay ineynu arrimahaa qaran  ahaan  fikir iyo fácil midaysan ka yeelanno. Maamulka maanta jira waa iuu Hay’daha qaranka sida barlamaanka, Asxaabta iyo dadweynaha ba dareen iyo aragti midaysan ku hoggaamiyaa   oo aanu odhan idiin warrami maayo  sida iminka dhacda.

Beryahan dambe waxaa aad u soo ifbaxaya faraqa u dhexeeya xasilloonida guud ee ka jirta dalkeena iyo xaaladda murugada leh ee ka taagan Somalia, iyo meela badan ee Africa iyo dunida ka mid ah .

Waxa muuqata rajo wanaagsan oo ah in dunidu ku soo dhiiranayso ama isu soo barbarinayso wax wada qabsigeena iyo macaamilkeena inagoo ku rajo weyn una hawl geli doona in wada shaqeyntaasi u gudubto ictiraaf iyo agoonsi buuxda iyo wax wada qabsi dhinacyo badan leh.

Xisbiga KULMIYE wuxuu aad u soo dhoweeynayaa dhaqdhaqaaqa cusub ee dunida khaasatan sida dawladaha waawayn ee América, Europe  IWM u danaynayaan wadashaqeynteena  iyo rajada wax wada qabsigaas ina galinayo inaynu gaadhno aqoonsi siyaasadeed waqti aan fogeyn insha allaahu

Au , Midowga Africa wuxuu innaga horqaaday caqabadda weyn oo innaga hortaallay ictiraaf, taasoo ahayd , in xuduudihii hore ee isticmaarku ka tegay aan la beddeli karin si aan , xuduudaha Africa isugu yaacin.  Midowga Africa wuxuu markii hore arrintaa u tarjuntay mid gooni isu taaga Somaliland ka dhan ah balse, waxaa manta laysla qirayaa inan qodobkaasi qadiyadeena wax u dhimi karin sababtoo ah innagu manta ku doodi mayno in xuduuddii isticmaarku ka tegey la beddelo oo mid ka duwan la raaco, balse waxa doodeenu tahyba  in  la soo noqoshada madaxbanaanideena u cuskanayno xuduuduhii isticmaarku ka tegay laftooda sida mabaadiida xuduudaha waddamada kale ee Africa u dhexeeyaa ku dhisanyihiin

Dal ahaan  siysaddeena debeddu waxay ku salaysantahay mabaadida u taagan nabadgelyo, jaar wanaag, isqadderin iyo u hoggaansanaanta  mabaadiida uu qeexayo charterka UNku.

Xisbi ahaan waxaanu ka soo horjeednaa wax allaale wixii wax yeelaya xasilloonida gobolka , jaarwanaagga iyo falal kastoo u adeegaya argagixisonimo ama wax dumin.

Waxaanse jecelnahay inaanu hoosta ka xarriiqno in wada shaqeyntaas iyo wax wada qabsigaasi noqdo mid ku fadhiya in dawlad waliba si buuxda u ixtiraamto una tixgaliso madaxbannaanida iyo haybadda qarannimo iyo dawladnimo ee tan kale.
shirwayaha-2aad.jpg

SOMALIA

Waxaan u rajaynaynaa in ilaahy burburka iyo dhibaatada dadka aanu walaalaha nahay haysata ka kor qaado.Waxaanu leenahay Jamciyadda Quruumaha, midowga Africa,  dawladaha Carabta , islaamka iyo dunida kaleba waajibkooda  arrintaas ka saaran ha gutaan, ahmiyadda ay leedahayna ha siiyaan.

Arrimaha Maanta Taagan Iyo Gebo Gebo

Inta  aanan soo gunaanadin warbixintayda aan eryo kooban ka idhaahdo sadex arrimood oo hadal hayntooda cusubyihiin ayaamahakan,kuwaasoo kala ah:
1. Dib-u dhaca ku imaan kara  doorashooyinka
2. Diiwaangelinta
3. magacaabista gobollada iyo degmooyinka cusub

Waa tan hore eh, qorshe hawleedkii ku saabsanaa diwaangelinta iyo muddaynta doorashooyinka ee sadexda xisbi iyo Komishsanku isla qaateen ee dhaweeyd ma noqon mid  hirgasha. Dib- u- dhacaas waxaa sabbteeda lahaa xukuumadda iyo xisbiga UDUB.  Waxaanna ka mid ahaa
1. lacgtii laga sugayey xukuumadda ee ay kaga qeyb geli lahayd diwaangelinta oo ay aad ula daahday, halkaas oo ay  wakhti badana oo sadex bilood ku dhowna ku lumisay
2. Qaabkii Komishanka doorashadu ku fulin lahaa diiwaangelinta  oo xukuumaddu muddo badan hortaagnayd.
3. Magacaabista hawlwadeennda Komishanka iyo diwaangelinta gobollada iyo degmooyinka oo murrankoodu hadda bil iyo dheeraad taaganyahay, subab na u tahay faragelinta xukuumaddu .

Doorashooyinkii laysla qaatay in ay kala qabsoomaan 1da July 2008 iyo 30ka August 2008  waxaa kallifay arragtidii ahayd in baahi loo qabo in diiwaangelin la sameeyo doorashada ka hor. Mar haddii xukuumaddu sabab u tahay  dib- u –dhacaas, oo iyadu burisay isafgaradkii hore ee sadexda xisbi, ma muuqato sabab abaalgud looga dhigo muddo kordhin loogu  sameeyo xukuumadda.

Mida kale,sida qudha ee distoorku u oggolyahay muddo kordhin waa iyadoo dalka dagaal ka socdo oo xaalad nabadgelyo dara ahí ka oogantay. Maanta waxa ugu weyn ee Somaliland ku faantaa wa xasiloonida iyo nabadgelyada aynu haysanno.

Arrinta labaad waa diiwaangelinta. Arragtidayda  waxaan ku soo koobayaa diwaangelinta waa loo bahanyahay, haddayse suurta geli waydo, doorashada ayaa ka muhiinsan. Doorashooyinka dawladaa hoose iyo madaxtooyaduna waa muhim , haddayse wakhtigoodii ku qabsoomi waayaan ahmiyada ama mudnaanta  waxa la siinayaa ta madaxtooyada.

Arrinta sadexaad, dhawaan waxa si deg-deg ah oo aan digniin lahyn Madaxweynuhu ugu dhawaaqay magacaabis gobollo iyo Degmooyin, ogow dhacdadaasi waxay jawaab u ahayd maalintii shir aada oo ballaadhan oo beesha H/Awal ah oo is-bedel doon ahi ,ku dhawaaqday ku soo biirista Xisbiga Kulmiye. Taas waxa ka sii horreysay Xafladii ku soo biirista Beelaha Gar-xajis iyo bulshadii reer Awdal ee Deegaanada Reer Nuur iyo Maxamed Case.

Dalka in Gobollo iyo Degmooyin  cusub loo sameeyo waa loo baahan yahay, waana soo dhaweynaynaa Xisbi ahaan, horena  ayaanu ugu balan-qaadnay in Gobollo cusubi abuurmi doonaan marka aanu xilka qabano, su’aashuse waxay tahay sida deg-dega ah, daraasad la’aanta ah, iyo sida deegaanadu isu qaadayaan iyo isu-dheelitir la’aanta marka Xamaasadu degto maxay la iman?  Wakhtiga Doorashada soo dhawaatay ee lala eegtayna aragtideeda ayey leedahay.

Deegaamada Gobollada iyo Degmooyinka helayna waxaanu leenahay Hambalyo, inta isleh waa istaahishaana, ee aan la soo qaadinna ,  waxaanu leenahay samir iyo iimaan.

Waxaan hadalkayga  ku soo gunnaanadayaa anigo shirka u rajeynaya guul iyo isafgarad. Dadweynaha reer Somlilandna nabadgelyo, wada jir, iyo horuumar.

WA BILLAHI TOWFIIQ
MD: AXMED MAXAMED ( SIILAANYO)

Dhinaca kale, waxa furtiaankii shirweynaha labaad ee xisbiga KuLmiye, ka hadlay, ka hadlay Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, Md C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi [C/Raxmaan Cirro] , oo xisbigaasi ku hambalyeeyay qabashada shirweynehooda, waxana uu u  rajeeyay inuu guul ugu dhamaado.

Gudoomiyaha Urur-siyaasadeedka sharciyadiisa lagu muransan yahay ee Qaran, DR. Maxamed Cabdi Gaboose, oo ururkiisa ah isbahaysi siyaasadeed ka dhexeeyo  KULMIYE, ayaa hadal ay ergooyinkii shirweynuhu ka la dhaceen oo ay aad ugu sacbiyeen ka jeediyay, hadalkaasi oo u badnaa naqdi kulul iyo erayo aflagaado xambaarsanaa oo uu u jeediyay xukumada Somaliland, waxana hadaladiisii ka mid ahaa. Waxa aan aad ugu farxsanahay in maanta shirkii xisbiga Kulmiye uu qabsoomo, kadib is qab qabsi  mudo soo socday, Dr Gaboose waxa uu dhaliilay xukumada Somaliland, dhanka saxaafada Cadaalada,ka qaybgalka siyaasda, waxa aanu aad u hablayeeyay xisbiga Kulmiye, waxa aanu dadkii meesha isugu yimid u sheegay in aanu Xisbiga Kulmiye ahayn KULMIYIHII shalay ee Kulmiyaha maanta uu yahay mid ka duwan, kii hore, hadalkaasi oo ay u sacbiyeen dhamaan dadkii ka socday xisbiga Kulmiye ee goobta fadhiyay, Dr Gaboose muu sharaxin waxa iska badalay xisbiga Kulmiye, lakiin waxa loo fasilan karaa in ay jiraan heshiisyo hoose oo ka dhaxeeya Ururka Qaran iyo Xisbiga Kulmiye, taasi oo dad aad u tiro badan ku abuurtay dareeno kala duwan, kalmadaasina waxa ay ahayd kalmadihii ugu hadal haysta badanaa ee galabta shirka lagala dareeray, taasi oo Dr Gaboose aad loogu xanto in uu xiliyadan danbe in uu ku biiraayo xisbiga Kulmiye madaama oo ay taageerayaashiisii ururka Qaran ay qaarna horeba ugu biireen xisbiga Kulmiye kuwo kalena ay raaceen xisbiga UDUB.

Sidoo kale, waxa xafladii furitaanka shirweynaha ka  hadlay Gudoomiye ku xigeenka Komishinka doorashooyinka Somaliland, Md. Xirsi Cali X. Xasan iyo marti sharaf kale.

Waxa ergooyinkii shirweynaha loo qeybiyay xeerka Xisbiga KULMIYE, oo ay aroorta ay ka doodi doonaan ka dibna cod lagu meel marin doono.

Shirkan qabsoomistiisa iyo hirgalintiisa ayay aad uga qayb qaateen ergooyin gurmad ah oo u soo tafa xaytay in ay bad baadiyaan xisbiga Kulmiye taasi oo sababtay in uu maanta qabsoomo shirweynahoodii labaad oo maanta jawi wanaagsan ku bilaabmay, lamana saadaalin karo wax ka soo bixi doona.

Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax.
cumarfaarax2@hotmail.com.