65sawird.JPGBorama-(Lug)-Gudoomiyaha Golaha Degaanka Degmada Saylac Maxamed Cumar Cawad iyo Gudoomiye ku Xigeenkiisa Cismaan Muumin Caare,Xubno ka tirsan Golaha degaanka iyo Idiris Cigaal Nuur oo ka mid ahaa Wariyeyaashii Radio Hargeysa ee Caanka ahaa iyo Dadwayne aad u tiro badan oo ka kala yimid Magaalooyinka degmada Saylac ay ka kooban tahay ayaa ka qayb galay Munaasibad balaadhan oo lagu taageeryay Magacaabistii Degmada Saylac loo magacaabay inay noqoto Gobol loogu magac daray Salal.

Munaasibadaasi oo lagu qabtay Meel Fagaare ah waxaa laga soo jeediyay Hadalo kala duwan oo ka hadlayay in ay degmada Saylac u gudubtay heer Gobol taasina ay magac iyo maamuus u tahay dadwaynaha ku nool degaamadaasi.

Xuskaasi oo ay ku soo bandhigeen bulshada kala duwan ee degaankaasi barnaamijyo iskugu jira ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka,Gabayo iyo Khudbado kala duwan.

Waxaana munaasibadaasi Gudoomiyaha Golaha Degaanka ee Degmada Saylac waxuuna ugu baaqay Dadwaynaha deegaanka Degmada Saylac in waxii ay mudada badan sugayeen ee ahayd in Gobol loo magacaabo uu maanta ku dhawaaqay Gobolnimadii Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland balse waxa uu tilmaamay in waxuu looga baahan yahay ee lagu hor marinayo gobolka in bulshadu u diyaar garoobaan taasi oo lagu heli karo buu yidhi in aynu horumarin ka samayno gobolkeena waxuuna intaasi sii raaciyay in lagu dadaalo sidii loo heli lahaa shuruudaha ku xidhan Magacaabista Gobolkaasi.

Gudoomiyuhu waxuu Hambalyo iyo Bogaadin u jeediyay isagoo ku hadlayay Magaca dadwaynaha ku dhaqan degaanadaasi Madaxwaynaha Jamhuuriyada Soamliland Magacaabista uu gobol ahaan degaanka u magacaabay.

Waxaa isna munaasibadaasi ka hadlay Idiris Cigaal Nuur oo ahaan jiray Wariye Caan ah oo Radio Hargeysa ka shaqayn jiray kana mid ahaa marti sharafta kulanka ka soo qayb gashay ee ka socday Jamhuuriyada Jibouti waxuuna dadwaynaha u sheegay in Somaliland ay horumar balaadhan oo wax qabad leh ay ku talaabsatay dhinacyada Siyaasada iyo Arrimaha Dibadaba waxaana lagu rajo wayn yahay buu yidhi in aqoonsi uu helo dalka Somaliland, waxuuna dadwaynaha ku booriyay inay Iskaashi iyo Wax qabad ay u yeeshaan sidii gobolkooda ay u hormarin lahaayeen iyo degaankoodaba.

Gudoomiyaha ku Xigeenka Golaha Degaanka ee Degmada Saylac Cismaan Muumin Caare ayaa sheegay in dadwaynaha iyo Masuuliyiinta degaankaasiba ay aad ugu faraxsan yihiin Gobolka loo magacaabay taasi awgeedna waxay Hambalyo iyo Bogaadinba u dirayaan in Magacaabista Saylac oo ah Dhul xeebeed loo magacaabo Gobol waxaanan uga mahad Celinaynaa Xukuumada Somaliland sida fiican ee ay Qiimaynta noogu samaysay.

Waxaaa horey iyaguna hambalyo noocaasi oo kale ah ugu diray Madaxwaynaha Hogaamiye Dhaqameedka ,Duqayda iyo Waxgaradka Beesha garbo dadar Magacaabista degmo ahaan iyo Gobolba loo magacaabay oo ay ku tilmaameen inay Hadiyad tahay damaashaad kan oo kale ah hore u sameeyey.


Wariye:-
Abokor Hassan Affi.
Lughaya News-Borama.