Borama-(Lug)-Magaalada Boorama ayaa maanta lagu aasay marxuum Mukhtaar  Cismaan Warsame ,kana tirsanaa ciidanka nabadgelyada wadooyinka ee magaalada Boorama  ka dib markii xalay dad an ilaa imika haybtooda la garanaynini ku dileen guri  ku yaal magaalada .

Aallaha u naxariistee marxuum Mukhtaar  oo u dhalay taliyaha ciidanka amniga ee gobolka Awdal CIsmaan Warsame Xijaab (Cismaan Haari),waxa la dilay 2.20 saac ee xalay ,kaddib markii uu u gurmaday guriga  uu ku dhintay oo ay usoo dhaceen dad  ilaa imika an la aqoonsan oo lagu sheegay inay ahaayeen tuug doonaysay inay xadaan ama qaataan biro iskaraab ah,kadibna isaga iyo kooxdaasi isku qabsadeen albaabka guriga  ,dabadeedna  sida warku sheegeyo saddex nin oo ku hubaysan toorreyo iyo faashash ay dhawr jeer ku dhufteen marxuumkaasi oo isla goobtii ku geeriyooday   .

Ma jiraan warar rasmi ah oo ciidanka amnigu kasoo saareen sida uu ku socdo baadigoob loogu jiro  ciddii falkaasi geysatay ,iyadooo isla saakaba magaalada lagu arkayey raxan ka tirsan ciidamada amniga oo gaaf wareegayey magaalada ,mana jiraan  ilaa imika  war ku saabsan in ilaa imika cid loo qabtay uiyo inkale

Aaskii mukhtaar Cismaan ,geeriyooday isagoo gudanaya waajibaadkiisa ,ayaa saaka waxa aaskiisii ka qaybgalay Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Sh.X/laahi Cige,Maayarka Boorama  Cabdi shide Bile,madaxda laamada amniga ee gobolka awdal , xildhibaannada Golaha degaanka Boorama  iyo tobannaan  qof oo ka tirsan qaraabadiisii iyo waalidiintiisii .

Dilka  askarigan ka tirsanaa ciidanka nabad gelyada waddoyinka ,ayaa waxa uu saddex toddobaad uun ka dambeeyey  geeri ku timid mid ka mid ah laba nin oo isku qabsaday shaqosiin  ay ka doonayeen meel dhiske ka socday ,kaddibna isku farasaaray   shaqo maalmeed midkoodba ku heli lahaa wax an ka badnayn shan doolar oo kuulinnimo ay ku shaqayn lahaayeen .Waxa kale oo saddexbilood ku dhawaad ka dambaysay  geeri ku timi  wiil dhalllinyaro ah  oo la odhan jiray Cabdi Idiris Meecaad ,oo isna ku dhintay  khilaaf soo kala dhex galay marxuumka iyo dad kale .

Dilalkan  xidhiidhka ah ee waayadanba ka dhacaya Boorama ,ayaa intooda badan la hayaa dadkii geystay bal;se ,sida dadka Boorama qaarkood leeyihiin ,haddii sharciga islaanka iyo kan dalkaba la marin lahaa  dadkaasi ay dilalkaasi yaraan lahaayeen .

Dilka marxuum M,ukhtaar  ayaa dhinaca kale waxa uu kusoo beegmay wakhti Boorama ay ka taagantahay tuugeysi xad-dhaaf ah  oo xaafadaha magaalada saameeyey ,kuwaasooa laftoodu kusoo beegmay wakhti biraha iskaraabka ahi noqdeen  ganacsiga ugu weyn ee haatan magaalada aafeeyey ,laguna qaatay ama lagu xaday boqolaal ama kumayaal biro iskaraab ah oo dalkan anfici lahaa  haddii ay sii yaallaan .

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyne).
Lughaya News-Borama.