Hargeysa-(Lug)_Shirwaynaha Labaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye oo maalintii labaad ka socda Hotel Ambassador ee Magaalada Hargeysa,ayaa qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Xisbigaasi ay ka biyo diideen Xeerka Xisbiga oo ay sheegeen inuu galdaloolooyin badan leeyahay.
Shirwaynahan oo uu Gudoominayay Gud/Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Mudane C/casiis Maxamed Samaale waxa saaka dood kulul lagu faaqiday xeerka Xisbiga ee Shirwaynaha horyaalla waxaana xubno ka mid ah Siyaasiyiinta Xisbigu ay ku baaqeen in la xadido awoodaha tirada badan, ee xeerku u jidaynayo Gudoomiyaha Xisbiga.
Xoghaya Arrimaha Dibada ee Xisbiga Kulmiye Dr.Axmed Xuseen Ciise, Ahne Murashax ku loolamaya Jagada Madaxwayne-nimada ee Xisbiga Dhexdiisa ayaa hadal uu maanta ka jeediyay Shirwaynaha kaga biyo diiday awooda Xeerku siinayo Gudoomiyaha waxana uu yidhi “Inta Xeerka Xisbigu xidh xidhan yahay oo uu awooda siinayo cid qudha,Anigu kolayba kuma tartamayo Saaxadu inta ay sidan tahay”.
Dr.Axmed Xuseen waxaa uu ku baaqay in Awoodo la siiyo Afarta Gudoomiye Ku xigeen ee Xisbigu yeelanayo.
Xildhibaan Maxamed X.Maxamuud Cumar/Xaashi oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada kaga jira Xisbiga Kulmiye, oo doodaasi ka qayb galay ayaa waxa lala yaabo ku tilmaamay in Gudoomiyaha Xisbigu uu Hadana noqdo Murashaxa Xisbiga isagoo arrintaasi ka hadlayana waxuu yidhi “Waxaan soo jeedinayaa in Xeerka Xisbiga la qeexo oo Awooda la furfuro isla markaana Gudoomiyaha Xisbigu hadana aanu xaq u yeelan inuu Isusoo taago Jagada Madaxwaynaha ama Madaxwayne ku xigeenka”.
Prof C/salaam Yaasiin oo kamid ah Aasaasayaashii Xisbiga Kulmiye ayaa soo jeediyay in la qaybiyo oo la xadido awoodaha Gudoomiyaha si uu Xisbiga uga jiro Loolan Xor ahi waxaana uu taageeray Afkaarihii ay xeerka ka istaageen Dr.Axmed Xuseen Ciise iyo Md.Maxamed X.Maxamuud.
Xeerka Xisbiga Kulmiye oo maanta lagu waday in laga Ansixiyo Shirwaynahan ayay suurto gali wayday ka dibna waxaa dib loogu riixay Maalinta Bari ah markii ay ka dhasheen doodo kululi oo aad loogu kala qaybsan yahay.
Sidoo kale waxaa maanta Shirwaynuhu dhagaystay Warbixinaha Gudoomiyeyaasha Gobolada iyo Xubnaha Qurba Jooga Xisbiga kuwaasoo ka waramay Waxqabadkooda.
Waxaa kale oo maalinta bari ah Shirwaynuhu Gudo gali doonaa Doorashada Golaha Dhexe oo ka kooban 150 xubnood iyo Doorashada Gudoomiyaha,Afar Ku Xigeen iyo Xoghaye Guud,Mansabyadaasi oo qaarkood sida Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Koowaad loolan adagi ka taagan yahay.
Cumar Maxamed Faarax.
Cumarfaarax2@hotmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Dr. Ciise Oo Walaac Ka Muujiyay Awoodaha KULMIYE Ee uu sheegay inay Ku Urursan yihiin Gacanta Gudoomiyaha "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback