Hargeysa-(Lug)-Ganacsade Aadan Axmed Diriye (Aadan Baradho) ayaa maanta 20 booyadood oo biyo ah ugu deeqay Degmooyinka Cadaadley iyo Sabo-Wanaag ee G/Hargeysa.
Labaatankaasi Booyadood ee Biyaha ah oo ku kacay Kharash dhan 5000 oo Dollar waxaa maantaba loo qaybiyay Labaatan Tuullo oo ka mid ah deegaanada Abaaruhu saameeyeen ee ku yaalla degmooyinka Cadaadley iyo Sabo-Wanaag.
Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo isagu isku duba ridayay Howshan Biyo dhaamiska ah, ayaa u mahad naqay Ganacsade Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) waxaana uu yidhi “Aadan Baradho waan uga mahad naqayaa Umada Tabaalaysan ee uu 20 ka Booyadood ee Biyaha ah ugu deeqay xiligan Adag ee Abaarta Ba’ani saamaysay dalka, waxaan leeyahay ilaahay Miisaanka Xasanaadka ha ugu daro”.
Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey waxa uu sheegay in ay gaadhsiiyeen dadkii uu ganacsaduhu ugu talo galay deeqdaasi biyaha ah isagoo arrintaasi ka hadlayana waxuu yidhi “Umadda aad ugu deeqday Biyuhu waa Abaal ay kuu hayaan waanay kaaga mahad celinayaan Xusuustaada dheer iyo Xilkasnimada dabacsanaanta leh ee aan u muujisay”.
Waxaa kale oo Suldaanka Howshan Gurmadka Abaaraha ee degmooyinka Sabo-Wanaag iyo Cadaadley kala shaqaynayay Odayaasha Axmed Iimaan (Galaabooti),Cali sayr Xuseen iyo Cabdi Iimaan Xirsi.
Cumar Maxamed Faarax.
Cumarfaarax2@hotmail.com.


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Gurmad Biyo Dhaamis Ah Oo Si Xoog Leh Uga Socda Degmooyinka Cadaadley Iyo Sabo-Wanaag Ee G/Hargeysa. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback