Hargeysa-(Lug)-Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md.Axmed Yuusuf Yaasiin iyo wafti uu hogaaminayo oo ka kooban Golaha Wasiirada iyo xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiilada) ayaa maanta u amba baxay gobolada Bariga Somaliland halkaasi oo ay gaadhsiinayaan wajiga hore ee Gurmadka Abaaraha.
Madaxwayne ku xigeenka Somaliland isla markaana Gudoomiye u ah Gudiga Xukuumadu u xilsaartay dhinaca Abaaraha waxa uu raashin iyo Howlo biyo dhaamis ah ay gaadhsiin doonaan Gobolada Saaxil,Togdheer,Sanaag iyo Sool.
Md.Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Waftigiisa oo saaka ka amba baxay magaalada Hargeysa ayaa si duhurkii lagu soo dhaweeyey Magaalada xeebta ku taala ee Berbera halkaasi oo uu caawa u hoyday.
Madaxwayne ku xigeenku oo aan maanta kulamo gaar gaar ah la yeeshay Maamulka G/Saaxil,Golaha deegaanka ee Degmada Berbera.iyo waxgaradka Gobolka ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda inuu u kicitimo G/Togdheer.
Madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo todobaadkii hore Saxaafada u waramayay ayaa daboolka ka qaaday in xukuumadiisu ay gurmadka abaaraha ugu talo gashay adduun dhan $270,000 isla markaana 40% abaarahaasi la gaadhsiin doono G/Sanaag oo ah gobol ay si wayn ay u saamaysay abaaraha dalka ka jira isla markaana ay gudheen badi ceelashii biyaha ee gobolkaasi.
Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax..
Lughaya News-Hargeysa.


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Socdaal Ugu Kicitimay Gobolada Bari Ka Bilaabay G/Saaxil. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback