Hargeysa-(Lug)- Shirweynihii labaad ee xisbiga KULMIYE, oo muddo sadex cisho ah ka socday Huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, ayaa la soo gabo gabeeyay, waxana cod gacan taag ah lagu ansixiyay 135 xubnood oo ka mid ah golaha dhexe, oo ka kooban 172 xubnood.

Shirweynahan, ayaa saaka lagu ansixiyay Xeerka xisbiga oo awoodo aad u badan siinaya gudoomiyaha xisbiga, waxana aan la dooran oo kooto loo xidhay 37  xubnood oo ka mid ah golaha dhexe kuwaasi  oo loo kala qoondeeyay inay soo xulaan Haweenka, Dhalinyarada iyo qurbo-jooga Somaliland .

Bil ka dib ayaa xubnaha  Golaha dhexe shir ay isugu iman doonaan waxay ku dooran doonaan murashixiinta xisbiga, ee jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, waxase ay ergooyinka qaar sheegeen in 37 xubnood ee kootada loo xidhay ay yihiin xubno gudoomiyuhu si gaar ah u soo xulanayo, si ay mustaqbalka ugu codeeyaan murashaxnimadiisa.

Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], oo markii dib loo doortay ka dib hadal  u jeediyay ergadii shirweynaha ayaa u mahad naqay waxana uu sheegay inuu ka shaqayn doono sidii xisbigaasi uu u ilaalin lahaa midnimadiisa isla markaana uu culayska saarim doono danta dalka.

Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha wakiilada Somaliland , Md. C/Casiis Maxamed Samaale, oo gudoominayay shirweynaha labaad ee xisbiga KULMIYE, ayaa hadal uu xidhitaankii ka jeediyay ku Hambalyeeyay xubnaha golaha dhexe iyo hoggaanka cusub ee xisbigaasi.

 

Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax
Lughaya News-Hargeysa.