Hargeysa-(Lug)-Shirwaynihii labaad ee Xisbiga Kulmiye oo maalintii sadexaad ka socda Hotelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa ayaa maanta dib u doortay Gudoomiyaha Xisbigaasi Md.Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ,Afar ku xigeen iyo Xoghaye guud.

Shirwaynaha Xisbiga Kulmiye oo ay maanta hadhaysay doodo kulkulul oo qadar hakad galinayay habsocodka shirka ayaa hadana ku guulaystay inay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye  Md.Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo mudo 5sano ah oo kale dib u doortay mana jirin cid kula tartantay Jagada Gudoomiye-nimada Xisbiga iyada oo ay  madasha maanta fadhiyeen 503 ergay waxaa ogolaaday Gudoonimada Siilaanyo 497, waxana diiday 5 qof.

Jagada Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye oo loolan adagi ka taagnaa ayaa cod aqlabiyad ah loogu doortay Muuse Biixi oo helay cod dhan 330 ergay,halka Mujaahid Ibraahim Dhagawayne oo kula tartamayay jagada Gudoomiye ku xigeenka Koowaad uu helay 182 cod.

Jagada Gudoomiye ku xigeenka labaad waxaa ku guulaystay C/raxmaan C/qaadir oo helay 435 cod halka Cali Cabdi Cilmi oo kula tartamayay jagadaasi uu isna helay 7 cod oo kaliya.

Jagada Gudoomiye ku Xigeenka Sadexaad waxaa ku guulaystay C/raxmaan Maxamed Talyanle halka Gudoomiye ku xigeenka Afraad na uu ku guulaysa C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici oo helay 480 Cod halka.

Jagada Xoghaya Xisbiga Kulmiye waxaa isku sharaxay saddex xubnood oo kala ah Keyse Xasan Cige, Sahra Maxamuud Xuseen, Cumar Maxamed Xasan. Waxaana jagadaa ku guulaystay Keyse Xasan Cige.

Waxaa kale oo la rajaynayaa in galabta lagu doorto 144 Xubnood, taasi oo ka dhigaysa marka lagu daro 6 da Masuul ee Saaka la doortay , 150ka Xubnood ee Golaha Dhexe,Inkasta oo dadka qaar sheegayaan in hogaanka Xisbigu uu ka warwareegayo in la doorto Golaha dhexe oo uu doonayo inay Beeluhu soo magacaabay marka Shirwaynuhu xidhmo.

Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax
Lughaya News-Hargeysa.