dowlada-hose-borama.JPGBorama-(Lug)-Hay’adda qaramada midoobay ee Un-Habitat ,ayaa maanta deeq ka kooban qalabka xafiisyada ku wareejisay  Golaha Degaanka Ee  Boorama ,

Xaflad lagu qabtay xarunta maamulka  Golaha degaanka Boorama ayna kasoo qayb galeen  Kusimaha Maayarka Boorama ,Muumin Gadiid ,iyo wafdi ka socday Hay’adda un-habitat xafiiskeeda Hargeysa ,iyo hawl wadeeno kale oo ka socday xafiisyada UN-ta ee Hargeysa .
dowlada-hose-borama.JPG

Kusimaha Duqa Boorama ,Muumin Gadiid oo wareejinta deeqdan  ka hadlay ayaa Hay’adda Un-habitat uga mahad celiyey wada shaqaynta iyo taakuleynta ay had iyo jeer siiso maamulka Golaha degaanka Boorama , isagoo sheegay in hay’addaasi ay Boorama ka qabatay mashaariic badan oo loogu talogalay adeegyada dadweynaha , Dhismaha Xarunta Maamulka Dawladda Hoose  ee Boorama,suuqyada sariibadaha ,dakhli ururinta ,iyo taageerada dhinaca tababarada ee ay siiso shaqaalaha dawladda Hoose .waxa kusimaha duqu deeqdan qalabka ku tilmaamay mid ay reer Boorama iyo maamulkiisuba xusuusnaan doonaan .

Liibaan Axmed ,ahna sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska Un Habitat ee fadhigiisu yahay Hargeysa ayaa isna munaasabaddan ka sheegay  hadallo dardaaran ah ,ayaa dawladda Hoose ee Boorama ku ammaanay sida ay u muujiyeen  waxna ugu qabteen deeqihii ay hore u siinayeen ,isla markaana ay hawlo badan ku dareen  deeqhaasi taasoo ku dhiirrigelisay maamulka UN-Habitat inay sii wadaan taageerada ay siiyaan dawladda Hoose ee Boorama .
hayada-un-habitat.JPG

Sidoo Kale Sarkaalkaasi waxa uu maamulka golaha kula dardaaramay inay daryeelaan ,xafidaan ,dadweynahaha ugu adeegaan qalabkaasi oo an meelo kale loo leexin ,shakhsi ahaanna loo qaadan karin .Waxa kale oo uu Liibaan kula dardaarmay dawladda Hoose ee Boorama inay ku dedaalaan kordhinta dakhliga iyo wax ka qabashada adeegyada dadweynaha .

Qalabkan lagu wareejiyey Maamulka Golaha Degaanka Boorama ,kana koobnaa kuraas ,miisas ,qalabka kombiyuuterada , mishiinada fotokobiga ,iyo agab kaleba ,ayaa waxa uu qayb ka ahaa mashruuc hay’addaasi UN HABITAT ku doonaysay dib u habaynta  dhismaha Maamulka Xarunta Dawladda hoose oo ay ka fulisay dhisme laba dabaq ah oo haatan maamulkaasi  goluhu hawlihiisa  u wareejin doono . 

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane).
Lughaya News-Borama.