Hargeysa-(Lug)-Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in shirkii Golaha Dhexe ee xisbigaasi la qaban doono 29-ka bishan April.
Gudoomiye ku xigeenka Afraad ee xisbiga KULMIYE, Eng.C/raxmaan Ismaaciil Cabdilaahi[Saylici], ahna Gudoomiyaha Guddida Qaban Qaabada Shirka Golaha Dhexe, ayaa sheegay in shirka golaha dhexe lagu qaban doono Huteelka Ambassador, ee magaalada Hargeysa 29-ka bishan.

Qoraal kooban oo uu Eng.Cabdiraxmaan Saylici soo saaray ayaa u qornaa Sidan:-

”Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye waxa la ogaysiinayaa in Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga la qaban doono maalinta Salaasadda ee taariikhdu tahay 29/04/2008.

Xubnaha Shirka ka soo qayb-galayaa waa liiskii Magacyadooda laga ansixiyey Shirweynihii 2aad ee Xisbiga, iyo Xubnaha xilka ay hayaan dartiis Golaha kaga midka ah.
Waxa shirka lagu qaban doonaa Hotel Ambassador, wuxuuna furmayaa 08:00 subaxnimo”.

Dhinaca kale, Eng.Cabdi-raxmaan Saylici, oo ka mid ah murashixiinta u taagan jagada Madaxweyne ku xigeenka, ayaan la garanaynin sababta uu Gudoomiyaha Ugu Noqday Guddida Qaban Qaabada Shirka Golaha Dhexe ee lagu dooranayo murashixiinta xisbigaasi uga qeyb galaysa jagooyinka Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Ilaa imika waxa jagada madaxweynaha KULMIYE, u sharaxan gudoomiyaha xisbigaasi, Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] iyadoo Axmed Xuseen Ciise, uu shir weynihii labaad ee xisbiga ka sheegay in aanu ku tartami Karin inta awoodaha faraha badani ku urur-san yihiin Gudoomiyaha KULMIYE.

Hase Yeeshee jagada madaweyne ku xigeenka, ayaa waxa u sharaxan Eng.Cabdiraxmaan Saylici, Prof Ismaaciil Muumin Aar, Dr.C/laahi Xaashi Abiib  Iyo C/raxmaan Aw-Cali Faarax, oo afartuba ka soo jeeda gobolka Awdal, ee Madaxweynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin, u dhashay.

Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax
Lughaya News-Hargeysa.
Cumarfaarax2@hotmail.com