electric.jpgBorama-(Lug)-Qaar ka mid ah shirkadaha xoogga korontada siiya magaalada Boorama ayaa sheegay inay yaraynayaan saacadaha ay dabka siiyaan  magaalada  kaddib markii  ay dhibaatooyin kala soo derseen sicirka shidaalka oo cirka isku shareeray .

gudoomiyaha.JPGWaraysi  ay arrintaasi ka siiyeen qaar ka mid ah shirkadaha laydhka ee Boorama ayaa waxa kale oo ay intaa ku dareen  in wakhtigan xaadirka ah aanay hawshoodii usii wadi karayn sidii looga bartay ,isla markaana aanay jirin xal kale oo dabka laydhka ay ku siinayaan magaalada  haddii anay waxba iska beddelin .

Mid ka mid ah maamulayaasha shirkadahaasi ,Laana yidhaahdo C/laahi Xaaji C/raxmaan ,oo maamula shirkadda Laydhka  ee loo Yaqaan Boorama  Electric Company oo arrintaa ka warramayaana waxa uu yidhi.

“runtii aadbaan uga xunnahay inaan wakhtigan  sicirka shidaalku uu  kacay aannaan saacadihii macaamiishu nooga barteen dabka inaan siinno ,oo ahayd 24ka saacadood ,waxan haatan hadii xaaladdu sidaa kusii jirto ku talo jiraa inaan ugu yaraan sagaal saacadood ka jarro wakhtigii  ama saacadihii ay mishiinadu dabka siin jireen magaalada.annagoo weliba arrintaasi xeerinayna keli ah  danta dadweynaha oo aanay noogu jirin wax macaash ah  balse aan ka werwereegayno oo keli ah mishiinadiibaa la xidhay .Waxani waa wax dalka saameeyey ,mushkiladdana kuma koobna mishiinada laydhka oo keli ah ee xitaa meheradihii aan laydhka siin jirnay ayaa laftoodu waxay iibiyaan garan la’a ,sababtoo ah shidaalkaasi kor u kacay wuxu taabtay meel kasta oo nololi ku jirto.
8.JPG

Annagu haddaan nahay mid ka mid ah  shirkadaha ugu waaweyn ee laydhka siisa magaalada ,waxan ku tallaabsan doonaa tallaabooyin kale oo aan ugu danaynayno dadweynaha ,taasoo ah bal inaan weli saacadaha dabka an bixinno an kusii hayno halka ay maanta joogaan ,balse kama fursanayso inay soo gaaban doonaan saacadaha mishiinada laydhku shaqayn doonaan.Waxa jirta dhib kale oo dadweynuhu  sabab ugu yahay yaraanta xoogga dabka aan bixino ,waayo dadku si farsamoxumo ah ayey dabka u xadaan qaarkood  iyagoon aqoon u lahaynna xadhkaha isku wada tallaalaya,waxa jirta guluubyo hadh iyo habeen iska shidan oo an la bakhtiin cid ka faa’iideysanaysaana aanay jirin ,waxan leenahay guryaha markaad ka baxdaan bakhtiiya guluubyada baxaya,ama qalabka laydhka lagaga tegeyo ka bakhtiiya.’

Hadalkan kasoo baxay qaar ka mid ah shirkadaha laydhtiriigga Boorama  ayaa dhinaca kale waxay  hoos u dhaca  saacadaha dabkoodu yarayn doonaan wakhtiyada shaqada ee meheradaha ,meelaha cabbitaanka qabowga looga bartay ,waxbarashada  oo ay ardaydu u suurtoobi weydo wax akhris ,isbitaalada ,iyo Xafiisyada  Dawladda  iyo shirkadaha  isgaadhsiinta oo inta  badan hawlahoodu ku xidhan yihiin xoogga korontada.

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh(Hyane).
Lughaya News-Borama.