Hargeysa-(Lug)-14 Suldaan oo ka mid ah Salaadiinta Dalka ayaa maanta ku baaqay in sharciga la horkeeno Hayadihii iyo Cidii ka masuulka ahayd Mudaharaadkii rabshadaha watay ee shalay ka dhacay degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.

Salaadiintani waxa ay shacbiga reer Hargeysa u soo jeediyeen inay nabadgalyada ilaaliyaan waxii ay tabanayaana u maraan wado sharci ah .

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ka hadlay Shir jaraa’id oo ay Hotelka Hadhwanaag ku qabteen Salaadiintaasi ayaa waxuu yidhi “Waxaan soo jeedinaynaa in Maxkamadaha Sharciga ah la horkeeno waxii sabobay Mudaharaadkii Khasaaraha DHimashada iyo Dhaawacaba keenay ee ka dhacay Hargeysa, waxaana aan dadwaynaha u gudbinaynaa Fariin nabadgalyo”.

Suldaan Ibraahim Jaamac waxa uu xukuumada usoo jeediyay inay ka hortagto waxii nabadgalyada wax u dhimaya waxana uu taageeray go’aankii Wasiirka Arrimaha Guduhu uu ku laalay magacaabista saddexdii degmo ee moranku ka dhashay.

Suldaan Axmed Nuur Samaale oo isaguna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa shacbiga ka dalbaday inay ilaaliyaan nabadgalyada dalkooda waxaanuu dhambaal tacsi ah u diray qoysaskii labadii qof ee shalay ku dhintay Magaalada Hargeysa iyo Kuwii dhaawacyadu soo gaadheenba.

“Waxaanu ka xunahay khasaaraha dhacay waxaana aan soo jeedinaynaa in talaabo laga qaado cidii sabobtay mudaharaadkii rabshadaha watay” ayuu yidhi Suldaan Axmed Nuur Samaale .

Suldaan Axmed Nuur Samaale waxa uu ka hadlay Kor u kaca maciishada Daruuriga ah ee todobaadyadii la soo dhaafay ka qaaliyowday magaalooyinka dalka,isagoo ganacsatada u soo jeediyay inay u naxariistaan dadkooda.

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Saalax oo shirkaasi ka hadlay  ayaa sheegay inuu ka xun yahay khasaarihii ka dhashay Mudarahaadkii shalay waxana uu dadwaynaha usoo jeediyay inay ilaaliyaan nabadgalyada.

Dhinaca kale salaadiinta Shirkaasi goobjooga ka ahaa waxa ka mid ahaa Suldaan Barre Xaaji Xuseen Caraale , Boqor Axmed Iimaan Warsame,Suldaan Yuusuf Axmed Cadan,Suldaan Iid C/laahi Xirsi, Suldaan Barre Warsame Shide, Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil,Suldaan Ibraahim Shide Muxumed,Suldaan Axmed Daahir Muuse, Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi,Suldaan C/laahi Sh.Axmed,Suldaan Cismaan Cali .


Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax
Lughaya News-Hargeysa.
cumarfaarax2@hotmail.com